Hogaamiyaha Falastiiniyiinta o Galaha Amaanka Ka Dalbaday In Loo Aqoonsado Dal Madax banaan
London(MMedia) Hogaamiyaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas ayaa codsi hordhigay golaha Amaanka isagaoo ka dalbaday in Falastiin loo aqoonsado wadan madaxbanaan xubina ka ah Unka loo ogolaado waxaanu ku booriyay Xubnaha golaha joogtada ah inay u codeeyaan codsigaas
Mr Cabaas waxa uu khudbadisii ku cadeeyay inay jireen wadahalo u socday iyaga iyo Yuhuuda balse aanay noqon mid midha dhala waxaanu ku danbeeyay ayuu yiri madhalays sidaa daraadeed waxaan idinka codsanaynaa inaad noo aqoonsataan dal madax banana
R/wasaraha Yuhuuda oo khudbad ka jeediyay ka dib dalabkii Cabaas ayaa dhinaca isaga leexiyay eedaha uu usoo jeediyay Cabaas waxaanu ugu baaqay Hogaamiyaha reer Falastiin inuu kusoo noqdo miiska wadahadalada waxaanu yiri ‘’Mr Cabaas waa saaxiibkay waanan soo dhaweynayaa’’ waxa kale oo uu sheegay hadal laga filayay oo ahaa in Dowlad ay yeelato Falastiin ay ku iman karto oo keliya iyagoo IslA garta waxa kale oo uu ku daray inuu yiri waxaanan Cabaas kaa codasanayaa inaad joojiso keli socodnimada
Waxa kale oo la filayaa inuu Golaha Amaanku dhakhso u guda galo dalabka Falastiiniyiinta waxaana laga cabsi qabaa inuu Maraykanku ku hor istaago Vetooda qayaxan madaama uu yahay wadanka keliya ee ilaaliya Yuhuuda
Maakhir Media London
