Maxaa Sabab u ah In Ardayda Reer Maakhir Ka Qadaan Deeqaha Waxbarasho ee Debadaha
Faalo(MMedia) Hadii deegaan laga hayaamo qof walibana higsado halkuu rabo waxaan laga waayin kuwo u hara oo u heelan inay hagaajiyaan hadaan usoo noqdo dulucda Maqaalkan oo ku saabsan siday u qatan yihiin dhalaanka reer maakhir deqaha waxbarsho ee laga helo wadama caalamka ayaa moodaa inay aad usii badanayso waxaana ugu wacan iyadoon aanay jirin cid isu xilqaanta sidii wax looga heli lahaa deeqahaas ay bixinayaan wadamada debadu waxaanay ugu tabarucaan Waxbarashada bilaashka ah Dhalaanka Soomaaliyeed
Hadii aynu ku dul hakano Deegaanada Reer Maakhir sidee waxbarashadu uga Hirgashay. xaqiiqatan waa mid xowli aada ku socota waxaana kuu cadaynaya goobaha Waxbarashada oo aad ugu soo badanaya deegaanadaas tusaale ahaan waxa jirtay in mudo laga joogo ilaa 5 sano ay yaraayeen dugsiyada Sare iminakna waxaad arkaysaa inay aad usoo badanayaan waxaanay u kala baxayaan sidan

Degmada Badhan waa 4 Dugsi Sare
Degmada Dhahar waa 2 Dugsi Sare
Degmada Laasqoray waa 1 Dugsi Sare
Degmada Xiingalool waa 1 Dugsi Sare
Degmada Yube waa 1 Dugsi Sare
Waxaana dhigata sagaalkaas Dugsi Sare Arday gaadhaysa ilaa ilaa 2000 oo Arday waxaana sanad walba ka baxa Dugsiga Sare ilaa Arday gaadhaysa 600 intooda badani waxay dib ugu noqdaan inay derbiyada ka sheekeeyaan ama ay bartaan sida loo cuna qaadka si ay isugu dhaafiyaan waqtiga waa sida ay hadalka u dhigaane

Waxa kale oo deegaanada reer Maakhir ka jira Hal Jaamacad iyo hal Machad waxaanay labaduba ka furan yihiin Magaalada Badhan waxaana lagu qiyaasa ardayda nasiibka u heshay inay dhigtaan ilaa 200 oo arday una badan dadka ka shaqeeya Shirkadaha iyo Hayadaha
Dhinaca kale hadii laga fiiriyo iftiinkaas aqooneed ee ka bidhaamaya deegaanada Maakhirwaxa u kacay Hanado u heelan inaan dhalaanka deegaankaasi waxbarsho la,aani la dersin waxaanay heegan ugu jiraan habeen iyo maalinba inay ka haqabtiraan xaga waxbarashada laakiin maaha kuwo wakhtigu u saamaxayo inay raadinyaan deeqaha waxbarasho ee laga heliyo wadamada caalamka waxaanay u baahan yihiin cid gacan ka siisa

Deeqaha Waxbarashoo ee ay bixiyaan wadamada debadu maaha kuwo loogu talagay Gobolo ama Degmooyin gaara waxaana la siiyaa dhamaan Ardayda soomaaliiyeed waxaase gacanta loo geliyaa Maamulada Somaliland P/land iyo DKMG waxaana ku takri fala hadba cida gacanta ku haysa waxaanay u baahan yihiin dad kala xisaabtama dhamaan Maamuladaas aynu soo sheegnay waxa jooga dad deegaanka u dhashay lamana odhan karo waa Maamula laga maqan yahay waxaana loo baahan in la dereensiiyo inay wax ka keenaa deeqahaas waxbarasho.
Waxa iyaduna muhima in la helo Dalad isku xirta Dugsiyada Sare ee Degmooyinkaa Jaamacada Maakhir iyo Machadka Iqra ka dibna ardadya keenta Darajooyinka Sare loola dadaalo sidii loogu heli lahaa deeqaha waxbarsho ee dabadaha inta soo hartana loo kala qaybiyo Jaamacada Maakhir iyo Machadka Jaaliyada Debaduna ka caawiso wixii dhaqaale ah waxana laga maarmaan ah in la helo gudi ka kooban Dugsiyada Jaamacada Iyo Machadka oo hindisa qaabka ugu haboon ee laysugu xiri karo Jaaliyada debada iyo qaybaha kala duwan ee waxbarashada.

Ma muuqato cid kuu keenaysa wixii aad xaqa u lahayd waxa iminka Soomaaliya ka socdaan waa boob iyo in qof waliba ku takri falo wixii uu masuulka ka ahaa waxaan quman inaan la sugin in wax laguu keeno laakiin waxay tahay inaad raadsato wixii aad u aragto inaan lagaa xigin adigoon eegayn Maamulka uu yahay madaama deeqaha waxbarasho ay ka dhaxayso dhamaan Umada Soomaaliyeed.
hadaba waxa sabab u ah in Ardayda Reer Maakhir Ka qadaan deeqaha Waxbarasho ee debada waa iaydoo aanay jirin cid isu howsha iyo xiriir aan ka dhaxay Dugsiyda deegaas waxana usii dheer Masuuliyiinta ku qadhaabta Magaca deegaanka oo aan dareensanayn baahida loo qabo deeqahaas madaama Caruurtoodu hesho Waxbarasho Bilaasha
Maakhir Media Network
