Khatarta Ku Hoos Jirta Road Map(Dal La Boobayoow Yaa Ku Leh)
Maqaal(MMedia) kuwa ROADMAP wata oo aay u horreeyaan Shirkadihii Kaluunka oo badda Soomaaliya ka daldashay kheyraadkii dhex qotomay 21-kii sano oo lasoo dhaafay oo raba in badda Soomaaliya lagu soo xadido 12nm ayagoo meesha ka saaraya xeerka Law no. 37 ee 1972 oo si cad u qeexaya in Soomaaliya ay leedahay DHUL-BADEED (Territorial Waters), dhul-badeedkaas oo cabirkiisu xeebta ka durugsan yahay 200 mayl-badeed.
Sababta ugu weyn oo Shirkadahaas Kallumeysiga iyo kuwa sunta ku daadshay Badda Soomaaliya waxaay tahay in aay ka cararayaan in dacwad lagu soo oogo markii aay Dowlad rasmi ah ka dhalato Soomaaliya.
ROADMAP-ka waxaa kaloo si gaar ah dabada ka riixaya Commonwealth iyo Norway oo raba in aay batroolka Badda Soomaliya ku jira u gacan galiyaan Dowladda Kenya.
Arrimahaas marka la isku soo duubo, oo loo dhaba galo, sababaha keenaya in hadda la yiraahdo waxaa dib u habayn lagu samaynayaa dhul-badeedka Soomaaliya, waxay salka ku haysaa:
- In dib loo furo wareeg cusub oo wada xaajood oo markaas 200nm territorial waters lagu soo koobo 12nm.
- In “dib loo agaasimo aagga ganacsiga ee EEZ” macnaha kale oo ka dambeeya waa in la yiraahdo markii hore Soomaalidu ma lahayn aag ganacsi ee EEZ. Taasi waxay keeneysa in aan wax dembi ah ama qaan loo raacan shirkadihii iyo dalalkii ku xadgubdey badda Soomaaliya 20-kii sano ee dawlad la’aanta, oo ay ku doodaaan badda ay sharci darrada uga kalluumaysteen ama sunta ku duugeen in ay ahayd badda caalamiga ah, oo ay dhahaan ma ahayn ma ahayn dhul-badeedka Soomaaliya.
- In markaas “dib u habayn cusub lagu sameeyo aaggaas EEZ” oo markaas lagu bixiyo shatiyo cusub iyo kiro hor leh.
- In Soomaalida laga jaah wareeriyo in aysan sheegan xuduudka cusub ee loo kordhinayo dalalka xeebaha leh, xadka xusub oo ah oo gaaraya 350nm
Sida aanu wada arkeyno ROADMAP-ku waxuu wataa wajiyo badan oo uu rabo in uu ku hirgalo annagoo wada arkeyna in MADAXDAYADII aay horboodayaan.
Haddii aan usoo gudbo shirka lagu qaban doono Magaalada Garoowe wajigiisa labaad, waxaan Dowladda KMG Soomaaliyeed la socodsiinayaa in Qorshahaan ROADMAP-ka ay Soomaalida oo dhami ay hadda la wada socdaan oo ay ogyihiin in saxiixyo laga arruursanayo.
Waxaan Ummadda Soomaaliyeed la socodsiinayaa in markii ay helaan saxiixyada u dhimman oo ay ka sugayaan Gaoowe iyo Muqdisho in qorshohoodu u dhammaaday oo xataa aan la sugeynin muddada beenta ah oo la leeyahay 19-ka December 2011 ayaa lagu dhawaaqi doonaa xuduud badeedka Soomaaliya ee loo yaqaan “EEZ” (Exculisive Economic Zone) ama “Aagga Dhaqaalaha ee Gaarka ah”.
Waxaa aad u cajaa’ib badan in xukuumadda KMG ay dad ajnabi ah kala doodeen “War nimanyahow yaan la idin khiyaamayn oo la idinka dhicin dalkiina.” Arrintaas waa mid aad looga xumaado in wasiirkii kalluumaysigii hore oo arrinta lagala talinayo uusan dheg u dhigayn ama iska indha saabayo.
Arrinta shirka Garoowe waxaa muhiim ah in MASUULIYIINTA ka socda Dowlad Goboleedyadu ay ku mintidaan sidii qodobka Badda Loo Difaaci lahaa oo ay ku adkaystaan in aan loo baahnayn in xeer cusub lagu dhawaaqo ee la yiraahdo “WAA LAHAYN XEER BADEED” – Waa Law No. 37 oo jirey laga soo bilaabo 1972, taas in laga dhaadhiciyo kuwa dabada ka riixaya qorshaha gurracan ee loogu magac daray ROADMAP. Anigoo aaminsan in xubnaha ka qeebgalaya Shirka GAROWE ay fahamsanyihiin khayaanada meesha ku jirta, ayaa waxaan ka codsanayaa in lagu adkeesto in “Soomaaliya AY LAHAYD XEER BADEED oo 200nm TERRITORIAL WATERS.” Khayaanada meesha ku jirtana ay miiska u saaraan.
Waxaan Xubnaha Dowlad Goboleedyada ka socda oo shirka GAROWE ka qeebgali doona ku adkeeynayaa in aan la khayaanin oo dokumenti dambe aaysan saxiixin (WAA MUHIIM) yaan saxiix la idinka helin. HADDII aad dukumiinti saxiixaysaan ha noqdo mid dhigaya in “laga soo bilaabo 1972 ay Soomaaliya lahayd xuduud badeed oo ah 200 mayl-badeed (200nm), islamarkaasna laga soo bilaabo 2009 in Soomaaliya leedahay xuduud badeed oo gaareysa 350 mayl-badeed.”
NB. Waa dhulkiina, qeyraadkiisa, dhaxalkiisa waxa ladoonayo in saxiixiina lagu xalaaleysto idinkoo og, iyo idinkoo moogan intaba, ama leydiin adeegsado doolar iyo darajo inaad dhaafsataan intiina waxbartay ee fahmayo qadku siduu usocdo.
NB. Taariikhdu waa maguurto waxaan sugnaa waa shirka qeybtiisa labaad ee lagu qabandoono garoowe iyo iney isasaxaan madaxdeena soomaaliyeed hanoqdaan dowlad goboleedyada iyo DFKMG oo ay siqayaxan ucadeeyaan mugdiga iyo khayaanada jirta, ama doolarka iyo darajada leys cantuujinayo oo aayaha daleed iyo umadeed leysudhaafsiinayo aad doorataan oo aad cantuuktaan.
NB. Hays oran cidi kuma arkeysee canka buuxso…, hays oran cidi kuma arkeysee daarajeexo…., hays oran cidi kuma arkeysee doolar tabco…. Nin xilqaaday eed qaadyoo hoyyaa.
Abdiaziz khalif bare
Email: abuhamaam@hotmail.com
