|

Madaxweynaha Falastiin Mr Cabaas oo Galabta Unka Horgayndoona Inay Noqdaan Dowlad Madax Banaan

London(MMedia) Madaxweynaha Dalka Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa galabta soo hordhigaya Golaha Amaanka in Falastiin dal madax banana loo aqoonsado waxaanu ka hadli doonaa Golaha Amaanka saacadaha soo socda.

Dalabka falastiiniyiinta waxa ka hor iman doonaa dalka Maraykanka oo Arbacadii dhawayd uu madaxwaynaha dalkaasi Khudabad uu u jeediyay Golaha Amaanka ku sheegay in Dowalad ay yeelato Falasdiin ay ku iman karto oo keliya wadahadal dhexmara Israa,iil iyo Falasdiin wixii intaa kazoo hadhana ay tahay midaan la aqbali Karin waxa kale oo uu ku Goodiyay Obamaha Reerka Maraykan inuu adeegsan doono Veto hadii loo codeeyo in Falasdiin in loo Aqoonsado Dal madaxbanaan.

Hogaamiyaha reer Falasdiin ayaa ku adkaysanaya inuu Golaha Amaanka horgeeyo codsigooda si Food loogu qaado waxaana uu warqad ugu sii gudbiyay hogaamiyaha UNka Ban Ki Moon isaga ka codsadayn in loo gudbiyo 15xubnood ee Golaha Joogtada ah.

Sanad ka hor ayay ahayd markii uu burburay wadahadaladii u dhaxeeyay Israa,iil iyo Falasdiin ka dib markii lagu hashiin waayay qaabka loo dhigayo dowlad ay yeelato Falasdiin waxaana loo arkaa wadahadalo danbe oo dhexmara labadaa dowladood inay tahay wakhti lumis.

Dhinaca kale waxa isna galabta Golaha Amaanka ka hadli doona R/wasaaraha Yuhuuda Natayahuu waxaana laga filayaa inuu ku gacan sayro dalabka Falasdiiniyiinta isagoo afgobaasi ka dhigan doona inuu wadahadal ku iman karto Dowlada aya Falastiin yeelato waxaana uu taageerayaa Baaqii uu hore usoo jeediyay Mr Barak Obama ee ahaa wadahadal in lagu dhameeyo Dalabka falastiiniyiinta sida koofurta Suudaan oo kale.

Hadaba hadii uu maraykanku ka horyimaado dalabka Falastiiniyiinta waxa soo baxaya in dhexdhexaadnimadii uu isk dheegi jiray Maraykanku meesha ka baxayso lloa arkayo Israa,iil Maldahan waxaana aduunka lagayabaa inay aqoonsi buuxa siiya Falastiiniyiinta.

Waxaynu dhowrnaaba waa Galabta Iyo Hogaamiyaha Reer Falastiin markaa uu Golaha Amaanka soo Hordhigo Dalabkooda ku aadan inay noqdaan Dowlad Madaxbanaan oo Qudusna Caasimad u tahay.

Maakhir Media London

Comments are closed