Shaqsiyaad gaar ah ayaa ku takri fala deeqaha waxbarasho(Caasha Axmed Cabdalla)
Muqdisho(MMedia) Xildhibaanad ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in shaqsiyaad gaar ah ay ku takri falaan deeqaha Waxbarasho oo ay helaan Ardayda Soomaaliyeed.
Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalla oo ka mid ah Xildhibaanada barlamanka KMG Soomaaliya oo u warantay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay ka hadashay musuq maasuq iyo wax isadaba marin ay sheegtay in lagu sameeyo deeqaha waxbarasho oo ay hesho dowladda KMG soomaaliya.
Xildhibaanada ayaa waxa ay tilmaamtay in mudooyinkii lasoo dhaafay ay soo badanayeen dacwada ku aadan in lagu tagri falo deeqaha waxbarasho oo ay dowladda ka hesho dalal Caalamka gaar ahaa wadanka Turkiga oo ay tilmaamay inay ku tagri falaan shaqsiyaad gaar ah, waxaana ay hoosta ka xariiqday in dadka laga qaado imtixaan laguna badalo shaqsiyaad gaar ah, iyadoo arintaasi ku eedeeysay dad ay sheegtay inay ka tirsan yihiin dowladda KMG Soomaaliya.
Xildhibaan Caasho Axmed Cabdalla ayaa hadalkeeda waxa ay intaasi ku dartay inay jiraan dad la qaadayo oo kor u dhaafaya ilaa 10-ruux kuwaasi oo ay sheegtay in uu qortay shaqsi gaar ah, waxaana ay ku talisay in deeqaha waxbarasho ee loo helo Ardayda Soomaaliyeed loogu qeybiyo Xeerka 4.5
Marka laga tago eedeynta ay jeedisay Xildhibaanadaan ka tirsan barlamanka Soomaaliya ayaa waxa horay u jiray cabasho kasoo yeeraysay qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed oo sheegayay in musuq maasuq lagu sameeyo deeqaha waxbarasho oo ay hesho dowladda Soomaaliya, waxaana kol hore lagu eedeeyay Wasaaradda waxbarashada ee dowladda KMG inay Mas’uul ka tahay musuq maasuqaasi.
Maakhir Media Muqdisho
