Caalamku Waxay Sidii Filimka U Daawanayaan Gaajada Ka Jirta Soomaaliya(Tayyip Erdogan)
London(MMedia) Ra’iisul wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay qaadaan tallaabo deg-deg ah oo lagu joojinayo macluusha Soomaaliya, isagoo dhanka kale ku baaqay in dunidu ay si xooggan u cambaareyso falalka guracan ee dowladda Israa’iil ay u qasayso nabadda bariga dhexe.
Erdoğan ayaa hadalkan ku sheegay khudbad taariikhi ahayd oo uu shalay ka jeediyay kulan weynihii Qarammada Midoobay, isagoo sheegay in dunidu aysan qaadin tallaabo wax looga qabanayo hoggaan la’aanta Soomaaliya iyo xaaladaha bani’aadamnimo ee taagan.
“Waxaan Soomaaliya tagay bishii lasoo dhaafay, runtiina dunidu way ku fashilntay inay qaaddo tallaabadii looga baahnaa si wax looga qabto xaaladda ka taagan,” ayuu yiri Erdoğan.
Sidoo kale, wuxuu sheegay inuusan sharaxaad ka bixin karin faqrinimada iyo xanuunka uu kusoo arkay Soomaaliya, isagoo xusay in beesha caalamka ay ceeb weyn ku tahay inay daawadaan kumannaan caruur ah oo ugu dhimanaya nafaqo la’aan iyo biyo la’aan gudaha Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha Turkiga ayaa sidoo kale xusay in dagaallada 20-ka sano ka socda Soomaaliya ay burburiyeen dhamaan waxyaabihii aasaaska u ahaa nolosha, isagoo xusay in Soomaalidu ay dhimanayaan dunida oo daawanaysa.
“Maanta bulshada calaamku waxay u daawanayaan Soomaaliya sida filim aan la gaari karin. Innagu waxaan go’aansannay inaan gudaha tagno si aan u qafiifinno xaaladda bani’aadamnimo ee jirta,” ayuu Erdoğan hadalkiisa raaciyay.
Ugu dambeyn Erdoğan, mar uu ka hadlay nabadda iyo caaaladda ayuu sheegay in dunida looga baahan yahay inay maqlaan hadalkiisa ku aaddan Soomaaliya iyo weliba inay maqlaan codka dadka Soomaaliyeed.
Maakhir Media London
