Dhagaysiga dacwada shaqsiyaadka kenyanka ah ee ka soocota Heeg oo maalinkii labaad gashay
22.September.2011-
Dacwad soo oogaha maxkamada ICC Luis Moreno Ocampo ayaa maanta lagu wadaa in uu sii wado in uu soo bandhigo cadaymihiisa ku saabsan Mr Kenyatta, Mr Muthaura iyo Mr Cali Doorkii ay ku lahaayeen rabshadihii doorashada.
Mr Ocampo ayaa maanta waxaa lagu wadaa in uu soo bandhigo cadaymaha uu u hayo kiiska ka dhanka ah madaxa shaqaalaha dowlada.
Mr Mathaura ayaa isagu waxaa uu furitaankii maxkamada u sheegay in lagu qaldamay.
Sidoo kale Mr Mathaura ayaa waxaa uu sheegay in isaga iyo qoyskiisa ay u soo dagaalameen badbaadinta qaranka xiligii xoriyada loo dagaalamayay waxaa uuna sheegay in uu ka xunyahay dacwadaha lagu soo oogay.
Madaxa shaqaalaha dowlada ayaa sharaxay xirfadiisa shaqo waxaa uuna sheegay in uu maxkamada u yimid si xaqiiqada iyo beenta uu u kala saaro.
Dacwad soo oogaha maxkamada ICC Mr Ocampo ayaa waxaa uu balan qaaday maalintii shalay ahayd in uu cadaymo cusub soo bandhigi doono.
Sidoo kale Dacwad oogaha ayaa sheegay in rabshadihii ka dahcay dalka Kenya la qorsheeyay.
MMedia Desk

