|

Wafdi ka socda Somaliland oo Muqdisho Gaadhay

Muqdisho-MMedia-

Wafdi balaadhan oo ay hor kacayaan wasiirk diinta iyo awqaafta somaliland Shiikh khaliil iyo Gudoomiyaha  Rugta Ganacsiga xasan cabdi cawad  iyo  Abwaan Hadraawi  wafdigan oo siday deeqdii ay Somaliland u ururisay dadka abaaruhu saameyeen ee Somaaliya.

Wafdigan intii aanu ka anababixin Haragysa ayaa waxaa ay saxaafada uga warameen iyagoo  ay sheegen in ay  Muqdisho gaynayaan Gargaarkii ay walalahooda Somaaliyeed u ururiyeen .

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland  Xasan cabdi cawad oo saxaafada la hadlayay ayaa sheegayn in ay  gaynayaan muqdisho  lacagtii la ururiyayay isagoo sheegay in wafdigan uu ka kooban  yahay ilaa lix xubnood kuwaasi oo doonaya in ay gudoonsiiyaan  deeqdaasi dadkii abaaruhu saameeyen.

Wasiirka diinta iyo awqaafta shiikh khaliil ayaa isna la hadlay saxaafada isagoo sheegay in ay sidaan maantana muqdisho gaynayaan deeqdii ay shacabka Somaliland ka soo ururiyeen .

Tagitaanka  ay maanta wafdiga ka socda somaliland ku tageen magaalada Muqdisho  ayaa ah mid ay ku gaynayaan deeqdii ay ka ururiyeen dadka Somaliland si ay ugu deeqaan walalahoda Somaliyeed iyadoo ay qadeen wasiirka diinta iyo awqaafat shiikh khaliil  Abwaan Hadraawi iyo Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Xasan Cabdi cawad iyo  Gudoomiyaha haayada NDC jamal caydiid waxaana y wafdigaasi gudoonsiin doonaan  Masuuliyiinta dawlada kadiban loo qaybin doono dadk abaaruhu saameyeen.

MMN Desk

Comments are closed