|

Hormadii Koowaad ee Ardaydii Dugsiyadda H/Dhexe ee Deeqda Waxbarasho ku Guulaysatay oo xalay la soo saaray iyo masuuliyiin xukuumadda ah oo caruurtooda u Ololaynayay

Hargaysa-MMedia-

Liiska 34-ka Arday ee ku guulaysatay Deeqda iyo kuwa dugsiyada sare oo maanta u fadhiisanaya

Hargeysa(Waaheen)-Boqolaal Arday oo Deeq Waxbarasho Jaamacadeed ah ka helay Dalalka Turkiga , Masar iyo Sudan ayaa shalay u Fadhiistay Imtixaanka lagu qiimaynayo tayadooda Waxbarasho.

Ardaydan oo ka mida Ardaydii dhawaan Dhamaystay Waxbarashada Dugsiga Sare iyo kuwa hoose dhexe ee Fasalada Afaraad iyo Sideedaad ee ay Dawlada Somaliland Imtixaanka ka qaaday, waxa Deeqdan waxbarasho ee ay Heleen bixisay Dawlada Turkiga.

Waxaanay qaybtii ugu horaysay shalay imtixaanka ku galeen Dugsiga Hoose dhexe ee Sheekh Madar ee Magaalada Hargeysa, kaasoo ay Shalay arroorimadii safaf dhaadheer u galeen sidii loogu kala nidaamin lahaa.

Wasiirka Wax-barashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, Guddoomiyaha Hay’ada Imtixaanaadka Qaranka Somaliland, Badhasaabka Gobolka Hargeysa, Waalidiin iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaarada Waxbarashada ayaa kala horaysay ardaydaasi ilaa shalay subaxnimadii hore.

Guddoomiyaha Hay’ada Imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax oo Halkaasi Saxaafada kula hadlay ayaa sheegay inay maalintii labaad u taagan yihiin inay kala saaraan ardaydan Waxbarashada Dibadeed u baxaysa, iyagoo u kala saaraya ardayda sida ay natiijadii Imtixaanka ugu kala Sareeyeen, isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “waxa ilaahay mahadii ah inaynu Deeqdan Waxbarasho ka helnay Dal Muslim ah, waxa imtixaankan u fadhiisanaya shalay ilaa laba boqol iyo dheeraad arday oo Deeq waxbarasho oo kala duwan ka helay Dawlada Turkiga, kuwaasoo la kala geynayo Wadamada Suudaan, Masar iyo Turkiga laftiisa, waxa kale oo jira ilaa laba boqol oo kale oo ilaa berri aanu iyagana ka qaadi doono”.

Waalidka Ardayda Dhalay ayuu Guddoomiyuhu ugu baaqay “waalidku waxaad moodaa inay maqleen halkanbaa hadii aad ka dagaalanto ilmahaaga Deeqda waxbarasho laguugu darayaa, ka dibna waxa noo yimi waalid badan oo iyagu Ilmihiiba ka soo horeeya oo buuq samaynaya, waxa kale oo jira oo buuqan keenay in ardaydii iyaga laftoodu meeshii ay wada yimaadeen” ayuu yidhi.

Inkasta oo Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada ee Ardaydaasi Imtixaanka u kala horayay ay si Habsami ah hawshooda u wateen, hadana waxa jiray Masuuliyiin ka tirsan Lamaaha Dawlada iyo shakhsiyaad Caan ah oo caruurtooda iyo kuwo kale oo ay dabada ka riixayaan si khaasa ugu doonayay in Deeqdaasi waxbarasho looga qayb geliyo.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Xildhibaano ka tirsan Golayaasha Baarlamanka oo tiro arday halkaasi keenay ayay Indhaha Saxaafadu qabanayeen, kuwaasoo ujeedadooda markii dambe laga aqbalay, isla markaana laga qabtay ardaydii ay wateen.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaaadhsiinta ayaa gacanta u qaaday sida ay sheegeen qaar ka mid ah Wariyayaashii goob-jooga ahaa oo ku baahiyay mareegahaa Guddoomiyaha Imtixaanaadka iyagoo sheegay in ay isku af-dhaafeen Ardaay uu dhalay Wasiirku oo uu doonayay in looga qayb galiyo Imtixaanaadkaas maadaama uu ka mid ahaa Ardaydii sanadkan gudubtay, taasoo la sheegay inuu ka hooseeyay Kaalmaha Ardayda Imtixaanka laga qaadayo.

Askarta wasiirka ayaa iyana wariye ka tirsan Wargeyska Saxansaxo oo la yidhaahdo Barkhad Caliyoos ka qaaday kamaradii uu ku sawirayay Wasiirku iyagoo isla markaana Garaacay iyagoo masaxay sawiradii.

Dhinaca kale intii ardaydan Imtixaanka loo kala horayay, waxa aanu Xarunta Imtixaanaadka Qaranka kula kulanay arday cabasho ka bixinayay qaabka ardaydan Imtixaanka gashay lagu xushay, waxaanay sheegeen inay ka mid ahaayeen ardaydii ka qalin jabisay Dugsiga Sare ee SOS ee Kalmaha ugu sareeya galay, islamarkaana si badheedha ah looga reebay Deeqdan Waxbarasho ee Dibadda ah.

Waa kan Liiska rasmiga ah ee Ardayda ku guulaysatay Deeqda Waxbarasho oo dhan 34 Arday kuwaas oo ay baahisay Wasaaradda Waxbarashadu:-

1) C/kariim Maxamed Cali Elmi Sh. Cali Jawhar
2)C/casiis Cali Xassan Smart School
3)C/fataax Maxamed Nuur Imaamu Shaafici Hargeysa
4)C/fataax Xuseen Cabdi Laanta Hawada
5)C/fataax Yuusuf Ruush Xirsi Sun-shine
6)C/qani Muxiyadiin Jaamac Ilays Primary School
7)C/qaadir Cali Cumar Ismaaciil Future Primary School
8)C/naasir C/llaahi Ismaaciil Sh. Bashiir
9)C/raxmaan Aadan Cabdi Sh. Bashiir
10)C/raxmaan Abiib Cali Buux Cigaal Primary
11)C/raxmaan Axmed Maxamuud Diiriye Bullaale
12)C/raxmaan Xirsi Khaliif Ilays Primary School
13)C/samad Sh. Cismaan Cabid Imam Shaafici Hargeysa
14)Axmed C/llaahi Muuse A. A. Good
15)Ayaan Ismaaciil Aadan Nuuradin
16)Deeqa Mustafe Maxamed G/dheere
17)Guuleed Cismaan Yuusuf A. A. Good
18)Guuleed C/raxmaan C/llaahi Caraale Al-khayr
19)Hasan Maxamed Xasan Sh. Cali Jawhar
20)Hodan Axmed Cabdi School of tomrrow
21)Khalid Sh. C/llaahi Maxamed Al-furqan Islamic Schools
22)Maryan Ibraahim Aamin Blooming Primary shchool
23)Maryna Maxame Maxamuud Nuradiin Primary School
24)Maxamed C/llaahi Aadan Macali Daa’uud
25)Maxamed Cali Xirsi Laanta Hawada
26)Maxamed Anwar Umul-quraan
27)Mubaarig Maxamed 21 November
28)Muuse Maxamed Jaamac A. A. Good
29)Mustafe Abokor Smart School
30)Nimco Maxamed Yuusuf Dayana
31)Sacad Cali C/llaahi Sun-shine
32)Shaafici Xasan Nuur Sh. Yuusuf Al-kownayn
33)Ubax Sh. Cali Jawhar
34)Yaasmiin Maxamuud Jaamac Sh. Cali Jowhar.

Waheen

MMN Desk

Comments are closed