Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida DKMG oo la tageeray
Maakhir Media Network
Munaasbadaan oo ay soo qaban qaabiyeen Urarada Dhaliyarad Iyo Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo u jeedkoodu uu haaTaageerista Howlaha Garsoorka Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed Isla markaana Looga soo Horjeeday War murtiyeedkii 2 September ee bishan ka soo baxay Hay’adda Amnesty EnterNational ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin Ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya Gudoomiyaha Gudiga Xuquulu insaanka, baarlamanka, Xubno Ka Socda Gudiga Gorsoorka, Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye iyo Sidoo kale Haweeneey Xad gudub u kula kacay Iskari Ka tirsan Ciidamada Dowladda oo maxkamada Ciidamada Qalabka sida ay askarigaasi Xakun dil ah ku Riday.
Xildhibaan C/raxmaan Maxamuud Faarax “Janaqoow” oo ka mid ah mudanayaasha baarlamanka Soomaaliyeed ayaa ku tilmaamay shaqada ay waddo maxkamada in ay tahay Shaqadii loo dirsaday waan in lagu taageeraa ayuu yiri xildhibaanku.
Xildhibanad Xaawa C/laahi Qayaad oo kamida mudanyaasha barlamaanka ayaa sheegtay in ay aad ugu diirsadeen hablaha Soomaaliyeed Maxkamada Ciidamada Qalabka sida mantana maagaalada laga dereemayo sida ay maxkamada u fulineysa shaqadii qaranku u xilsaartay Xildhibaanada waxeyna intaa racisay in ay soo dhoweynayan howlaha ay waddo maxkamada ciidamada qalabka sida.
MMN Desk
