|

Xildhibaanad Caasho: SKA, yaa u baneeyay hantidada shacabka Somaliyed

Maakhir Media Network

Xildhibaanad Caasha Axmed Cabadalla oo waraysi dhinacyo badan taabanayay siisay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegtay in Shirkadda SKA oo dhawaan Maxkamadda sare ay u fasaxday inay ka howlgali karto gudaha dalka Soomaaliya ayaa waxa ay ku tilmaamtay go’aankaasi mid sharciga ka fog oo Shirkadda SKA aysan haysan wax sharci ah oo ay kaga howlgali karto Magaalada Muqdisho.

Caasha Axmed Cabadalla ayaa la tilmaamay in go’aankii uu qaatay gudoomiyaha Maxkamadda sare uu yahay mid uu ku deg degay islamrkaana ah waxba kama jiraan, waxaana ay xustay in Golaha Wasiirada waxyaabaha ay ansixiyaan loona baahanyahay in la horkeeno barlamanka si ay u meel mariyaan hase ahaate waxaa ay carabka ku dhuftay in Maxkamadda ay xaq u leedahay inay ku dhawaaqdo xukun.

Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla ayaa waxa ay sheegtay in Ciidamada amaanka ee Garoonka diyaaradaha ay gacanta ku dhigeen dhagxaan la sheegay in loo waday Shirkadda SKA taasi oo la doonayay in laga dhoofiyo gudaha Garoonka, waxaana ay is waydiisay Xildhibaanadda Shirkadda SKA cidda u banaysay inay qaadato hanti ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Ugu damebyn Caasha Axmed Cabdalla mar ay ka hadlaysay arrimaha gar-gaarka ayaa waxa ay sheegtay in Raashiinka mucaawinada ah ay ku keydsan yihiin baqaaro islamarkaana ay Maamushaan dad gaar ah, iyadoo hoosta ka xariiqday in ka Xildhibaano ahaan ay doonayaan inay ogadaan goobaha ay maraan gar-gaarka iyo in Hay’adaha samafalka ay ka keenaan Warbixin buuxda sidii loola xisaabtami lahaa shaqsiyaadka musuq maasuqa raashiinka.

Source Shabelle

MMN Desk

Comments are closed