Wariye Ka tirsanaa IDaacada Codka Nabada oo Lagu dhawacay Bosaso
Wararka ka imaanaya magaalada Bosaso ayaa sheegaya in saacado ka hor lagu dhaawacay wariye u shaqayn jiray idaacada Codka nabada ee magaaalada Bosaso.e
Wariye Xasan Maxamed Cali Anteeno oo ka shaqeynayey idaacadda Codka Nabadda ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa dhaawac halis ah uu kasoo gaaray rasaas ay ku dhufteen kooxo bastoolado ku hubeysan oo waxyeeleeyey xili uu Wariyuhu fadhiyey goob shaaha laga cabo oo ku dhow xarunta Idaacadaasi.
Lama garanayo nimanka dhaawacay wariyaha balse dadkii halkaasi joogay ayaa maakhir u sheegay in ay ahaayeen koox hubaysan oo sitay baaskoolado iyadoo ay shegeen in ay markii ay dhawac gaysteen ay goobta ka cararen.
Maamulka idaacada ayaa sheegay in wariyihii lagu dabibayo isbitaalka bosaso halkaasi oo ay shegeen in xaaladiisu khatar tahay .
Laamaha amaanka ayaa sheegay in ay ku raad jooga dadkii falkaasi gaystay.
MMN Desk

