Madaxweynaha Puntland oo magacaabey afhayeenka Madaxtooyada Puntland
Maakhir Media Network
Wareegto ka soo baxday xafiiska Maaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole Lr-keeduna yahay 87 ayaa lagu magacaabey afhayeenka Dawladda Puntland.
Madaxweynaha ayaa sheegay kadib markii uu eegay dastuurka Puntland isla markaana tixgeliyey aqoonta iyo waayo aragimadiisa shaqo in uu Axmed Cumar Xirsi (Libaax Joore) u magacaabayo in uu noqdo afhayeenka Madaxtooyada Dawladda Puntland.
Waa markii u horeysey tan iyo markii la doortey Dr.Faroole uu magacaabo afhayeen ku hadla codka dawladda, arrintan oo ahayd mid baahi weyn loo qabay gaar ahaan saxaafaddu ay aad ugu wareerto cidda siineysa xogta rasmiga, Si kastaba ha ahaatee waxaa arrintan si weyn u soo dhaweyn doona saxaafadda Puntland waxaana la arki doonaa qaabka uu shaqada u dar-dargeliyo afhayeenka cusub ee maanta soo shaacbaxay oo ah nin ku cusub saaxada siyaasadda Puntland.
Source Horseed
MMedia Network Desk
