Haayada UNICEIF oo sheegtay inay wax kabadal ku samaynayso Caruurta Somaliya
Maakhir Media Network
Hay’adda daryeelka caruurta Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa sheegtay inay wax badal ku samaynayso howlaheedii ku adanaa daryeelka iyo badbadinta caruurta Somaliyeed, waxaana ay sheegtay inay tahay Soomaaliya dalka ugu caruur dhimashada badan geeska Afrika kuwaasi oo ay sheegtay inay dahashatay mid ka mid ah abarihii ugu xumaa ee soo mara Soomaaliya.
Bayaan ay soo saartay Hay’adda Qaramada Midoobay ee daryeelka caruurta ayaa waxa ay ku sheegtay inay maalin walba ugu geeriyoodaan caruur badan gaajo iyo haraad dalka Soomaliya, waxaana ay tilmaamtay inay bilaabayso ololo quudin iyo daweyn isugu jirta si ay uga hortagto dhibaatooyinka haysata caruurta Somaliyeed ee ku nool Soomaaliya.
Hay’addi waxaa ay ku baaqday in labadbadiyo nolosha boqolaal caruur Somaaliyeed kuwaasi oo qaarkood qarka u saaran dhimasho, waxaana ay intaasi ku dartay in hadaan lawada badbaadin caruurta ay dhici doonto musiibo bini’aadanimo.
MMedia Network Muqdisho
