|

Midowga Afrika oo aqoon saday Golalaha KMG ee Libiya

Maakhir Media Network

Ururka Midowga Africa ayaa aqoon saday golaha kumeel gaarka ah ee libiya isagoo ay sheegeen in ay tageerayaan shacabka  liibiya sida uu sheegey madaxweynaha dalka Equatorial Guinea  Teodoro Obiang Nguema “Ururuka midowga Afrika wuxuu diyaar u yahay in shacabka Libya uu ku taageero sidii ay ku hanan lahaayeen Libya mideysan oo Dimuqraadiyad ku dhisan tahay.

Dhowaan ayey ahayd markii Ururka Midowga Afrika uu iska fogeeyey eedeyn uga timid dhinaca Libya oo sheegeysey inay ka gaabiyeen Ictiraafka Golaha qaran ee KMG ah ee dalka Libya , kuwaas oo iyagu ku guuleystey inay meesha ka saaraan Xukuumaddii uu hormuudka u ahaa Col Qaddafi.

Waxaana aqoonsiga ay Ururka Midowga Africa siiyeen dowlada KMG ah ee xiligan inta badan gacanta ku haysta dalka Libya kusoo beegmayaa xilli dhowaan ay magaalada New York wadamada xubnaha ka ah Golaha ammaanka ee Qaramada midoobey kulan ay ku yeesheen iskula soo qaadeen xaalada murugsan ee dalka Libya  .

Wali waxaa libiya ka socda  rabashado iyo dagaalo iyado ay ururka midwoga afika ayba aqoon sadeen  Kolaha KMG ah ee libiya hase ahaatee ma joogsan doonaa dagaalka mise waa sii socondoona oo wuxuba noqon doona sidii ciraaq oo kale

MMedia Network Desk

Comments are closed