Xildhibaankii Xalay lagu dilay Gaalkacayo oo saaka isla halkasi lagu asay
Maakhir Media Network
-Xalay fiidkii ayey ahayd markii agagaarka Iskoolka Cumar Samatar ee magaalada Gaalkacayo lagu diley Xildhibaan Cabdiraxmaan Axmed Xaaji (Koodhaa) oo ahaa mudane katirsan Baarlamaanka Puntland , waxaana saaka lagu aasay isla magaalada Gaalakacayo , mana jirto cid ilaa iyo hadda loosoo qabtay inay ka danbeysey dilka xildhibaankan geeriyoodey.
Aaska xildhibaanka oo ay kasoo qaybgaleen Mas’uuliyiin katirsan Puntland oo uu kamid yahay Wasiirka amniga Khaliif Ciise Mudan , Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamad Yuusuf Jaamac , Duqa degmada Gaalkacayo Siciid Cabdi Faarax , Taliyaha ciidamada Daraawiishta Ciise dheere , Wasiirkii hore ee caafimaadka Puntland Siciid Cabdi Biixi , Isimo iyo cuqaal uu kamid yahay Garaad Maxamed Cilmi shirwac , Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland , Ehelada Marxuumka geeriyoodey , iyo dadweyne kale oo aad u fara badan ayaa ka dhacay Xabaalaha Cir-jiife ee ku yaala bariga magaalada Gaalkacyo.
lama garanayo cidi dilka u gaystay xildhibaanka balse laamaha amaanka ayaa sheegay in ay ku raad joogaan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahayen.
MMedia Network Galkacayo
