Bangiga Aduunka oo Abaarha Geeska Afrika ka jira Lacag ugu deeqay
Maakhir Media Network
Robert Zoellick Madaxda Bangiga aduunka ayaa maagaalada Washington ee dalka Mareykanka ugu dhawaaqay 30 Million oo dollar oo laagu tallagay in at wax ka tarto xaaladda macluusha ee dalalka geeska Afrika oo ay Soomaaliya ugu horeeyso.
Madaxda bandgiga ayaa sheegay in lacagta ay ku yabooheen ay soo marsiin doonaan hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR waxa uu tilmaamay in lacagta badankeeda loo isticmaali doono caafimaadka iyo la dagaallanka cudurrada faafa.
Robert Zoellick ayaa farta ku fiiqay in dalalka Soomaaliya iyo Kenya ay u baahan yihiin gargaar dheeraad ah si loo yareeyo dad barakacaya iyo kuwa ku macluulsan dalalkaasi.
Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay ee UNHCR, Antonio Guterres ayaa tilmaamay in lacagtan ay qeyb ka qaadan karto sare u qaadidda adeegyada aasaasiga ah ee xerooyinka qaxootiga dalka Kenya iyo Soomaaliya oo uu ku sheegay in si aad ah loogu barakacay.
300 oo Soomaali ah ayaa xadka Doolo Addo ee bariga Itoobiya ka soo tallaaba maalin kasta, iyagoo ka soo cararaya abaarta iyo dagaallada si ay u helaan nolol taasi dhaanta balse waxa ay qaxootinimadooda ay kala kulmaan dhibaatooyin kala duwan.
Abaarahan ayaa gabi ahaanba saametyay Dhamaan wadamada Geeska Afrika iyadoo ay ugu daran tahay dhanka Somaaliya taasi oo keentayba inay dad ku dhintaan.
MMedia Network Desk
