|

Saddex kamid ah 6-da Ocampo oo berri dhageysiga dacwadooda ka bilaabaneyso magaalada Hague.

Maakhir Media Network

20.September.2011:-Waxaa lagu wadaa berri oo arbaca ah in maxkamadda dambiyada Caalamiga ee ICC-da ee fadhigeedu yahay magaalada The Hague ee dalka Holland ay ka bilaabato dhageysiga dacwadaha Wasiirka Maaliyadda Ahna Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka Uhuru Kenyatta , Madaxa Shaqaalaha Frasis Muthaura iyo Madaxii hore ee Police-ka Major General Xuseen Cali oo lagu eedeynayo in ay ka dambeeyeen rabshadihii ka dhacay dalka dabayaaqadii 2007-dii iyo horraantii 2008-dii.

Berri Saddexda iyo barka galabnimo marka ay tahay xilliga Somaliya iyo Kenya qaadiga ICC-da Ekaterina Trendafilova waxa ay bilaabi doontaa dhageysiga dacwadaha ka dhanka ah Uhuru, Muthaura iyo major General Xuseen Cali, iyadoo dhageysiga dacwadoodu ay ku egtahay 5-ta bisha October ee sanadkan.

Madaxii hore ee Police-ka Major General Xuseen Cali iyo Madaxa Shaqaalaha Fransis Muthaura ayaa xalay fiidkii u amaba baxay magaalada Hague ee xarunta ICC-da, halka qareenadooda ay xilli hore gaareen xarunta ICC-da.

Xaaska Uhura Kenyatta Margaret, walaashiis Christiana Platt, iyo walaalkiis Muhoho Kenyatta ayaa lagu wadaa in ay Uhuru ku wehliyaan dhageysiga dawacaddiisa, ma cada in Major Genaral Xuseen cali iyo Fransis Mathaura ay wehliyaan qaar kamid ah eheladooda.

Comments are closed