|

Burcad Badeed Afduubatay Dooni Laga leeyahay Dalka Thailand

Maakhir Media Network

Doontaani oo uu ka dulbabanayay Calanka wadanka Thailand ayaa waxaa afduubtay kooxo burcad badeed Soomaali ah xili ay mareysay gacanka cadmeed gaar ahaan meel dakada Cumaan u jirta 350-mile sida laga soo xigtay ciidamada badda ee Ururka Midowga Yurub u jooga xeebaha Soomaaliya.

Doonta oo ah mid ganacsi ayaa waxa saarnaa shaqaale dhan 27-ruux oo la sheegay inay u dhasheen wadanka Cumaan, waxaana Sarkaal ka tirsan Waaxda bad mareenada Caalamiga ee bariga Afrika uu cadeeyay in doontaasi ay gacanta u gashay burcad badeeda Soomaalida.

Bayaan ay soo saareen ciidamada bada ee Ururka Midowga Yurub ayaa waxa ay ku sheegeen in doonta ay waday tan dhan 20377 oo waxa ay yihiin aan la cadeen, waxaana Ururka uu intaasi ku daray in laga afduubtay meel 450-mile u jirta Jasiirad ku taalla bad weynta India.

Faah faahin dheeraad ah kama soo bixin halka ay la aadeen iyadoo ay sheegeen Midowga yurub ciidamdooda ladagaalanka Burcada in ay la aadeen dhanka Somaliya hase ahaatee aan meel ama magaalo lagu cadayn karin laakin markii ay dalbadan Madax farashada ayaa la ogaankaraa sidaasi waxaa yidhi madaxa ladagalanka Burcad badeeda Midowga yurub ee xeebaha Somaliya ku sugan.

MMedia Network Desk

Comments are closed