|

Shirkii U dhexeeyay Madaxda Sare ee Puntland iyo Ganacsatada oo Soo Dhamaday Maanta

Maakhir Media Network

Waxaa soo gaba gaboobay shirkii ay yeesheen madaxwaynaha puntland iyo Ganacsatada puntland kaasi oo looga hadlayay sare u qadida ganacsia iyo sidii looga hor tagi lahaa afooyinka ama dhibaatada ka dhacda dekeda Bosaso halkaasi oo ay doonyo ku gubtaan ka gooshay isla dekeda.

Kulankan oo ahaa mid ay isugu yimaadeen qayabaha kala duwan ee Ganacsatada Puntland iyo Madaxda sare ee dowlada oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed ayaa ahaa mid looga arinsanayey caqabadaha dib u dhaca u keeni kara Ganacsiga Puntland.

Wasiirka Ganacsiga iyo Wershedaha Puntland Xasan Jaamac Faarax oo isagu kamid ah Madaxdii kulankaasi ka qayb galay ayaa Warbaahinta uga waramay waxyaabihii la isla soo qaaday intii uu socday Shirkan ay isug yimaadeen Madaxda sare ee Dowlada iyo xubnaha ka socda qaybaha kala duwan ee Ganacsatada Puntland.

Wuxuuna sheegay in Ganacsatada iyo Dowladu ay kawada hadleen wax ka qabashada caqabdo dhowr ah oo ay Ganacsatadu sheegeen inay hakad gelin karaan habsami usocodka Ganacsiga kuwaas oo ay kamid tahay dhibaatada ay Burcad Badeedu ku hayaan Doomaha ganacsi ee kusoo jeeda dekedda Boosaaso iyo kuwa ka ambabaxa ee ku jiheysan dalalka ay Soomaaliya xiriirka dhaqaale leeyihiin ee Khaliijka.

Mudane Xasan Jaamac ayaa intaasi ku daray in Ganacsata iyo Dowladuba ay isku afgarteen in si wada jir ah wax looga qabto dhibaatada Burcad badeeda , maadaama ay caqabad ku yihiin kobaca dhaqaalaha , Nabadda , iyo horumarkaba , Ganacsataduna ay balan qaadeen in wixii dhinacadooda kaga soo aada ay diyaar u yihiin in dowladooda ku garab istaagaa

Shirkan oo ahaa kii ugu horeeyay ee noocan oo kale ah oo ka dhaca Puntland kaasi oo uu madaxwayanaha ay ganacsatadu la yeeleto ayaa ahaa mid laysku af gartay oo ay kasoo bexeen go’aamo labada dhinacba ku qancaan kasi oo ku salaysan sidii uu usocon lahaa Ganacsiga puntland .

MMedia Network Desk

Comments are closed