Shirkada SKA oo Loo Ogolaaday Inay Ka Howl Geli Karto Garoomada Diraaradaha Soomaaliya
Muqdisho(MMedia) Maxkamadda sare ee DKMG Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u xukmisey, shaacana ka qaaday in shirkadda SKA ay si sharci ah uga hawlgesho dalka Soomaaliya islamrkaana ay tahay shirkad si buuxda u fulisey dhamaan sharuucda asaasiga ah ee u degsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dowladda KMG Soomaaliya Ceydiid Ilka Xanaf ayaa waxa uu sheegay in Shirkadda SKA ay ku joogta dalka Soomaaliya heshiis sharci ah oo ay la gashay dowladda KMG, isagoo wax kama jiraan ku tilmaamay in Shirkadaasi ay ku tagri fasho howlaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Maxkamadda waxa ay sheegtey inay been abuur ahaayeen dhamaan eedeeymo loo soo jeediyey Shirkadda SKA oo ku aadanaa in ay si sharci derro ah ku joogtey dalka Soomaaliya islamarkaana dhibaatooyin iyo ka faa’iideysi aan sharci ahayn ku haysey garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde International Airport ee magaalada Muqdisho.
Intii ay socotay dhagaysiga dacwad in muddo ah lasugayey oo maanta ka furantay Maxkamadda sare ee gobolka Banaadir oo horey shirkadda SKA ay ugu soo oogeen qaar ka mid ah Shirkaddaha duulimaadyada iyo loogistickadda Soomaaliya oo loo yaqaano (Somali Airforces and logistics) oo ku aadanaa in SKA ay ahayd shirkad aan la aqoon hanaanka iyo shaciga dalka ay ku timid iyo sidoo kale inay caqabad ku ahayd hawlaha Garoonka Caalamiga ah ayaa Maxkamaddu waxa ay caddeysey in Shirkadda ay tahay mid sharci ah heshiis 10 sano ahna la gashay dowladda KMG Soomaaliya.
Waxa la sheegay in Golaha wasiirada DKMG Soomaaliya ay ansixiyeen Shirkadda SKA 30-ka bishii January sanadka 2011 kadib markii dowladda KMG Soomaaliya ay heshiis ku aadan dayactirka garoonka iyo qalabeyntiisaba ay la gashay shirkadda, iyadoo sidoo kalena sida shirkadda ay sheegtey aqoonsi inay ka haysato Wasaaradda gaadiidka cirka, dhulka iyo badda DKMG ee Soomaaliya.
Maxmakadda ayaa waxa ay u jeedisey SKA in ay shaqaaleysiiso Muwaadiniin Soomaaliyeed ee leh xirfado ay ku shaqeystaan.
Mr. Matin Bill oo ah xiriiriyaha hawlaha Shirkadda SKA ee garoonka Caalamiga ah ee Magaaalada Muqdisho oo goobjoog u ahaa dhegeysiga dacwadda ayaa Saxaafadda shir jaraa’id ugu qabteay gudaha Maxkadda sare ee Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in si aad ah ay ugu faraxsan yihiin go’aan ka Maxkamadda sare ee DKMG, waxaana uu u mahad celiyey Maxkamadda sare, qareenkii u doodayay Shirkadda iyo sidoo kale Mas’uuliyiintii ka qeyb qaadatay soo afjariadda kiiskii loo haystay shirkadda SKA, waxaana uu xusey in SKA ay dalka u timid sidii ay u dayactiri lahayd garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho, una qalabeyn lahayd islamarkaana ay ugu faa’iideysan lahaayeen bulshada Soomaaliyeed.
Shirkadda SKA waa shirkkad howsheeda shaqo ay tahay dayactirka iyo horumarinta garoomada Caalamiga ah, waxaana ay ka soo shaqeysay wadamo dhowr ah, waxayna wax weyn ka badashay qaabka uu u shaqeeyo garoonka Muqdisho tan iyo sanadkii 2010-ka markii ay dalka timid, iyadoo kaalin weyn ka ciyaartay fududeynta hawlaha garoonka Muqdisho oo ay ka mid tahay dejinta raashinka gar-gaarka ah oo ay sidaan diyaaraddaha soo caga dhigta garoonka Muqdisho oo doonayo in loo gargaaro bulshado Soomaaliyeed ee abaaruhu ku dhufteen ee ku dhaqan Muqdisho iyo gobolada dalka, shaqaaleysiin iyo tababaro ay u fidiso dhacabka Soomaaliyeed.
Maakhir Media Muqdisho
