|

Qolada Kacaanka KMG ah Ee Libiya oo shegay in ay qabsaden Qaybaha ugu Muhimsan Ee Magaalada Sabxa

Sabxa-MMedia-Dagaalada ka dhacay Magaalada Dhulka Saxaraha Ku Taala ee Sabxa ayaa waxaa ka hadlay afhayeenka ciidamada milatariga golaha Qaranka Dalka Libiya Cor axmed Baani ayaa sheegay in Calanka Golaha Qaranka uu ka dhex babanayo garoonka diyaaradaha Magaalada Sabxa

Xukuumada KMG ah ee Dalka Libiya ayaa sheegtay in Ciidamadeeda ay qabsadeen Madaarka dayuuradaha iyo Goobo kale Magaalada Dhulka Saxaraha Ku Taala ee Sabxa oo ka mid aheyd Meelaha ay ku harsanaayeen Ciidamadii Cor Qadaafi

Magaaladaan Haatan ay la wareegeen Xoogaga Dalka Libiya Waxaa 650km Koonfur kaga Beegan tahay Caasimada Dalka Libiya Ee Tripoli ayadoona Halkaasi ay Caan ku tahay wado Weyn oo aada Dalka Niger oo la sheegay in ay Marijireen Ciidamaad Qadafi oo ku dhuumaalaysan jiray

Magaalada Sabxa waa Magaalooyinkii ugu Dambeeyay ay wali Ku harsanaayen Ciidamadii Daacada u ahaa Mr Qadaafi Waxaase wali Dagaal Xoogani uu ka socdaa Magaalooyinka Sirta iyo Bin Waleed.

waxaa wali socda dagaalada iyo iska hor imaadyada ay isku hayaan kooxaa kumeel gaarka h iyo Ciidamda ka amar qaata madaxwaynaha xooga looga saaray dalkaasi liibiya iyadoo aan la garanayn halka uu ku sugan yahay qadaafi.

Maakhir Media Network

Comments are closed