|

Madaxwaynaha JSL ayaa maanta Qasriga madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Wadanka Switzerland u qaabilsan wadamada Geeska Afrika

Hargaysa(MMedia) Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti uu hogaaminaayo Safiirka Wadanka Switzerland u qaabilsan wadamada Kenya, Burundi, Rwanda, Uganda, Somaliland, Somalia iyo Seychelles Jacques Pitteloud.

Weftigan oo ka koobnaa 3 xibnood waxa ay Madaxweynaha uga warameen ujeedada socdaalkooda oo ay sheegeen inay salka ku hayso sidii ay indhahooda ugu soo arki lahaayeen horumarka ay Somaliland ka samaysay dhinacyada taabo-galka dimuqraadiyada, horumarka, & nabagelyada, waxaana uu xusay inay dawladoodu danaynayso sidii ay wada-shaqayn buuxda ula yeelan lahayd Somaliland.

Waxa uu safarkiisu intaasi ku daray in socdaalkoodan ay ku joogayaan wadanka muddo 2 maalmood ah, isla-markaana ay la kulmayaan Labada Gole ee Baarlamaaanka, Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Axsaabta Qaranka iyo Ururada Bulshada.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa uga mahadceliyay safiirka safarkoodan waxaana uu uga waramay maraaxilkii kala duwan ee ay Somaliland soo martay mudadii 20 sanadood ee ay dib ula soo noqotay xoriyadeeda, Madaxweynuhu waxa uu muujiyay inay Somaliland diyaar u tahay wada shaqayn iyo xidhiidh adag oo ay la yeelato wadamada beesha caalamka oo ay Switzerland ka mid tahay.

Dhinaca Xukuumada waxa Madaxweynaha ku wehelinayay kulankan Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo horumarinta Md. Sacad Cali Shire, Wasiirka Madaxtooyada, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirul Dawlaha Arrimaha Dibada Mudane Maxamed Rashiid Sh. Xasan.

Maakhir Media Hargaysa

Comments are closed