|

Samiir Xusni”Wixii Shirka kasoo baxa waxaan u gudbinaynaa Q,M

Qahira-MMedia-U qeybsanaha Ururka Jaamacadda Carabta ee Afrika Samiir Xusni ayaa waxa uu sheegay in xoghaya guud ee Jaamacadda Carabta Dr.Nabiil Al-carbi uu ka qeyb gali doono kulan gaar ah oo looga dali doono arrimaha Soomaaliya oo ka dhici doono Xaruunta Jaamacadda carabta ee ku taala dalka Masar.

Samiir Xusni oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in wixii kasoo baxa Shirka looga hadlayo arrimaha Soomaaliya uu Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta horgeyn doono shir dhawaan Qaramada Midoobay uga furmo doona Magaalada New York ee dalka Maraykanka si go’aan looga gaaro dhibaatooyinka amaaan iyo midda bini’aadanimo ee ka jirta Soomaaliya.

Arintaan ayaa imaanaysa xilli dalalka ku jira Ururka Jaamacadda Carabta ay wadeen dadaallo ku aadan u gar gaaridda shacabka Soomaaliyeed oo ay abaarahu saameeyeen, lamana oga shirkan waxa uu kaga duwanyahay kuwii hore oo ay Jaamacadda Carabta qaateen.

waxaa inta badan la qabtaa shirar looga hadlayo arimaha somaliya iyadoo aanay wax rajo ah kasoo bixin taasi oo keenta inayba ka hor sitagaan gargaarada ay dawladaha kale u wadaan dadkan ay abaaruhu saameeyeen.

Maakhir Media Network

Comments are closed