|

Golaha Wakiilada oo Ansixiyay qodobad a Ajandahooda 16aad oo uu ku jiro Xeerka Saxaafaddu

Haragaysa-MMedia-Fadhigii Golaha Wakiilada ee shalay ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay ajandaha kalfadhigooda 16-aad kadib markii lagu sameeyay wax ka bedel iyo kaabis, qoddobada Ajandahaasna waxa ku jira Xeerka Saxaafadda Somaliland oo ah Xeer Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Rayaale Golaha ku soo celisay si wax-ka-bedel loogu sameeyo

Xeerka Saxaafadda ee Ajandaha ku jira ayaa ah mid gabi ahaanba ka hor imanaya mabaadiida Xorriyadda Saxaafadda, waxaanu luminayaa Madax banaanidii Suxufiyiinta isagoo Amray in War kasta oo ay Hay’add Warabaahineed Daabacayso ay Xukuumaddu Faaf-reebayso

Ajandahan kalfadhiga 16-aad ee Golaha wakiilada waxa ansixiyay 38 Mudane, waxaa diiday hal Mudane halka ay afar Xildhibaan ka aamuseen isla markaana aanu gudoomiyuhu codayn.

Qodobada ajandaha kalfadhigan ayaa ka kooban Warbixinta shirgudoonka iyo gudiyada golaha iyo mashaariicda sharci ee golaha horyaala waxaa kale oo ajanduhu xambaarsan yahay Laba iyo Toban qodob oo kala ah:-

1. Warbixinta Xisaab Xidhka dawlada ee 2010-ka

2. Xeerka Ilaalinta Anshaxa iyo Nabadgalyada guud

3. Xeerka nabadgalyada wadooyinka

4. Xeerka biyaha

5. Xeerka iibka hilibka

6. Wax ka bedelka iyo kaabista xeerka baanka

7. Xeerka baanka islaamka

8. Xeerka ka ganacsiga hawlaha baanka

9. Wax ka bedelka iyo kaabista xeer hoosaadka golaha

10. Xeerka Saxaafada

11. Xeerka Ciyaaraha

12. Xeerka Ciqaabta Guud

Waxaa kale oo intaas soo raaca Ansixinta Mas’uuliyiinta Qaranka, u Yeedhista Mas’uuliyiinta Qaranka iyo Wixii kale ee soo kordha.

Waaheen.

Maakhir Media Network

Comments are closed