R/wasaare Cabdi Weli oo Caalamka Ka Codsaday In Ciidamada Loo Qalabeeyo
Muqdisho(MMedia) Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali oo wareysi siiyay wargeyska Toronto Star ee kasoo baxa dalka Canada ayaa sheegay in ciidamada dowladda KMG ah la qalabeeyo, si ay awood ugu yeeshaan inay sugaan ammaanka dalka.
Dr C/weli Gaas ayaa ku sheegay wargeysigiisa in dowladda KMG ah ay doonayso in la taageero shacabka dhibaateysan ee ay abaaruhu ku dhufteen, gargaarka ay u baahan yihiinna loogu geeyo deegaannadooda.
“Beesha caalamka waxaan Soomaaliya waxay u baahannahay inay naga caawiyaan dhismaha ciidamada si aan ugu guuleysano dib u soo celinta ammaanka dalka,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. “Ma doonayno in ciidamada calaamiga ah ee la geynayo Soomaaliya ay sii joogaan, balse waxaan doonaynaa inaan noqonno kuwo isku filan.”
Sidoo kale, ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay inay aad ugu baahan yihiin in dadka ku dhibaateysan gudaha dalka la caawiyo, isagoo ugu baaqay beesha calaamka inay kordhiyaan gargaarka ay dadkaas siinayaan.
Dr C/weli Gaas ayaa oo la weydiiyay su’aal ahayd in Xarakada Al-shabaab ay askar ka dhigaan caruurta yaryar ayaa sheegay inay taasi jirto, isagoo xusay inay ka qortaan dalalka calaamka oo ay ka mid yihiin Mareykanka iyo Kanada.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dhawaanahan booqasho ku joogay dalalka Mareykanka iyo Kanada, halkaasoo uu kula kulmay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool, kuwaasoo
Maakhir Media Muqdisho
