|

Ninkii Dilay Garsoorihii Maxkamda Boosaaso oo Lagu Qisaasay Magaalada Boosaaso

Boosaaso(MMedia) Waxaa Maanta duleedka magalada boosaso dil qisaas ah lagu riday Jaamac C/llahi Cabdule oo ahaa ninkii Todobaadkii hore toogtay Garsoore ka tirsan maxkada darajada koowaad ee gobolka bari.

Qisaastan ayaa waxaa u joogay Laamaha amniga iyo Garsoorka waxaana sidoo kale halkaasi ku sugnaa Shacab farabadan oo daawanayay sida ay u dhaceyso toogashada.

Marxuumka maanta la toogtay ayaa horey waxaa uu Banaanka Maxkamada gobolka bari uu ku dilay garsoore C/naasir Xaaji Aadan oo ka mid ah garsoorayaasha maxkadama Gobolka bari.

dhinaca kale xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxmuud Xasan ayaa sheegay in qisaasta maanta si wanaagsan u dhacday arintaasi oo ku tilmaamay in la mariyay jidkii sharaceeda u baneysay.

Dilkan qisaasta ah ee maanta lagu fuliya Marxuum Jaamac ayaa ku soo beegmaya xili xabsiga magalada boosaso iyo kuwa kale Puntland ay ku jiraan dad ku dilal.

Maakhir Media Boosaaso

Comments are closed