Madaxweyne Shariif oo Casho Sharaf Ku Qaabilay Wasiirka Gaanshaadhiga Uganda+Sawiro
Muqdisho(MMedia) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ku ammaanay dowladdaha ka qayb qaatay soo celinta ammaanka dalka iyo gargaarka ee haayan dalka si xoowli ah uga socda kaddib casho sharaf loogu sameeyay madaxtooyadda qaranka wasiirka Gaashaandhigga dalka Ugandha oo uu ka qayb galay madaxweynaha.
Shaco sharaftaan uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu u sameeyay wafdiga ka socdal dalka Ugandha ee uu hoggaaminayay wasiirka Gaashaandhigga dalkaasi waxa goob joog ka ahaa ku simaha R/wasaaraha ahna wasiirka Gaashaandhigga iyo masuuliyiin kale waxaana hadal ka jeediyay goobta ay cashadda ka socotay madaxweyne Shariif waxa uuna uga mahad celiyay wasiirka Gaashaandhigga dalka Ugandha booqashaddiisa Soomalaiya uu ku yimid.
Madaxweyanaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay doork ugu horeeyay ka qaateen nabddeenta Soomaaliya, isgoo sheegay in guushaasi ay isugu wada hambalyeenayaan dhammaan dadkii ka qayb qaatay.
Sidoo kale madaxweyne Shiikh Shariif ayaa soo hadal qaaday xaaladda ammaanka ee dalka gaar ahaan tan magaalada Muqdisho oo ay wax badan iska badashay, waxa uu mar kale madaxweynaha u mahad celiyay madaxweynaha dalka Jabuuti, R/wasaaraha dalka Turkiga oo uu ku sheegay in ay Soomaaliya si haggar la’aan ah u garab istaagayn, waxa uu carabka ku dhuftay in doorka koowaad ay nabadda tahay.
Mudane Shaiikh Shariif ayaa sheegay in in qorshaha dowladda uu yahay in la joojiyo dadka macluusha u dhimamaya islamarkaana dib loogu celiyo goobiihi iay ka yimaadeen dadkaasi, waxa uu farta ku fiiqayay in jawaabihii badnaa ee uu International Community ay bixiyeen Soomaaliya in ay wax badan ka tari doonto ummada Soomaaliyeed ee dhibaateysan.
Ugu danbeeyntii madaxweynaha ayaa ugu baaqay in la da dar dargaliyo yaboohii lacageed ee dalaalka Afrika ay ugu deeqqeen Soomaaliya dhan kalena waxa uu sheegay in la dhamays tiri doono ammaanka dalka oo ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay qaadi doonaan tallaabo xagga amniga ah.
Maakhir Media Muqdisho
