Shir Laagaga Arinsanayay Kobcinta Ganacsiga P/land oo Garoowe Ka Dhacay
Garoowe(MMedia) Kulan looga doodayo Siyaasada cusub ee Wasaarada Ganacsiga iyo Wershedaha Puntland kaas oo ay qaban qaabadiisana Wasaaradu lahayd ayna ka soo qayb galeen xubno kasocda Bulshada Rayidka ah oo isugu jira Ganacsato , Aqoonyahan , Dhalainyaro iyo Haween ayaa maanta lagu soo gaba gabeeyey caasimada Puntland ee Garoowe.
Kulankan ayaa sidoo kale intii uu socdey qodobadii la iskula soo qaaday waxaa kamid ahaa sida loo maamulayo Hantida dowladu ay gaarka u leedahay Sida Wakaaladaha xooga korontada iyo Biyaha waxaana jirey fikrado badan oo intii kulanakaasi uu socdey ay isdhaafsadeen dhamaanba dhinacyadii kala duwanaa ee kasoo qayb galay , kuwaas oo iyagu intooda badan soo dhoweeyey siyaasada cusub ee ay Wasaarada Ganacasiga iyo Wershedaha Puntland soo bandhigtay
Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Puntalnd Mudane Xasan Jaamac Faarax oo aanu kulankaasi kadib xiriir la samaynay ayaa noo sheegay in ujeedada Kulanka maanta Hotel Towfiiq lagu soo gaba gabeeyey laga leeyahay ay tahay in la ogaado aragtida bulshada ee ku aadan Siyaasada cusub ee ay soo bandhigtay Wasaarada Ganacsiga Puntland , si hadii ay soo dhoweeyaan loogu gudbiyo Golaha Baarlamaanka oo iyaga ansaxintiisa laga dhowrayo.
Kulan ayaa daba socdey mid dhowaan la qabtay Islamarkaana soconayey mudo 10-maalmood ah kaas oo ay Wasaarada Ganacsigu soo abaabushay ayna ka qaybgaleen Ganacsato , Aqoonyahan ku xeel dheer Culuumta Dhaqaalaha ,iyo Marti sharaf kale oo kala kala socotey qaybaha kala duwan ee bulshada.
Si kastaba ha ahaatee Ganacsiga dowlada Puntland oo ah mid ku dhisan Nidaamka Ganacsi ee xorta ah ayaa u muuqanayey sanadihii u danbeeyey mid soo kobcaya iyadoo gudaha degaanada Puntland laga hirgeliyey wershado yar yar kuwaas oo qayb weyn ka qaatan kara kobaca dhaqaalaha iyo tayeynta waxsoosaarka gudaha
Maakhir Media Garoowe
