Hub Iyo Saanad Melatari oo ay Gacanta Ku dhigeen Ciidamada DKS
Muqdisho(MMedia) Maamulka degmada Shangaani ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay hub iyo saanad Milatari kadib howlgallo ay ka sameeyeen degmadaasi.
Saanaddaani Milatari oo ay maanta soo bandhigeen Taliska Ciidamada booliska ee degmada Shnagaani ee dowladda KMG ah ayaa waxa ay ka koobnaayeen qoryo gacameed, Bambaanooyin iyo Rasaasta laga tuuro quryaha Baasuukaha taasi oo ay sheegeen Maamulka degmadaasi in lagu qab qabtay howlgallo maalmihii u dambeeyay ka soconayay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.
Taliyaha Saldhiga booliska ee degmada Shangaani Labo Xiddigle C/fiaax Sabriye Xasan oo la hadlay Idaacadda Shabelle iyo Tv-ga Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada booliska ee degmadaasi maalmihii dambe ay howlgallo ka wadeen gudaha degmada si loo xaqiijiyo amaanka.
Labo Xiddigle C/fitaax Sabriga Xasan ayaa waxaa uu intaasi ku daray in hubkaani laga soo qab qabtay qeybo ka mid ah degmadaasi oo ay baneeyeen Al Shabaab iyo sidoo kale kuwa laga soo ururiyay xaafadaha ay ka kooban tahay degmadaasi oo ay ku reebeen dagaaladii halkaasi ku dhexmaray Ciidamada dowladda KMG iyo Al Shabaab.
Ma’ahan markii ugu horeysay oo ay Saraakiisha Ciidamada dowladda soo bandhigaan hub iyo saanad Milatari oo ay kusoo qab qabteen howlgallo ay sameeyeen hase ahaatee waxaa xusid in mudooyinkaan ay howlgallo isdaba joog ah ka socdeen deegaanadii iyo degmooyinkii ay baneeyeen Al Shabaab halkaasi oo laga soo saaray miinooyin farabadan oo la tilmaamay inay ku reebeen dagaaladii u dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMG, AMISOM iyo Xarakada Al Shabaab
Maakhir Media Muqdisho
