|

Madaxweynaha Galmudub Mr Caalin oo Gaalkacyo Soo Gaaray

Gaalkacyo(MMedia) Wafdigaan uu hogaamainayey Madaxweyne Maxamed Axmed Caalin ayaa Abaare
12:30 kasoo dagay garoonka magaalada gaalkacyo ee gobolka mudug
iyadoona kazoo kiciotimay magaalada Muqdisho oo ay kaga qaybgaleyeeen
Shirkii wadatashiga Soomaaliyeed ee ay soo qababan qaabisay Qaramada
Midoobay

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayuaa siweyn loogu soo dhaweey halkaasi
iyadoona ay kaqaybqaateen Mas’uuliyiin katirsan Maamaulka Galmudug iyo
Boqolaal Dadweyne ah oo isagujiray Qayabaha Bulshada

Xubnahaan uu hogaaminayey Mdaxweynuhu ayaa loosoo galbiyey xarunta
madaxtooyada isoona saxaafada lahadlayey wuxuu kawarbixiyey shirkii ay
kaga qaybgaleen magaalada muqdisho isagoona kadib kahadlay heshiisyo
ay lasoo galeen xukuumada kmg Somalia

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in qodobo afar kakooban ay wadagaareen
dowlada ayna marqaati ka ahaayeen Qaramada Midoobay iyo Beesha
Caalamka waxaana hadaladiisa kamid ahaa

Sikastaba ha ahaatee Wafdigaan uu hogaaminayey madaxweynaha maamul
goboleedka Galmudug ayaa guul ugu soo dhamaaday mudadii ay ku
maqnaayeen magaalada Muqdisho ee xarunta dalka

Liibaan Cajiib Xaaji

Maakhir Media Gaalkacyp

Comments are closed