Madaxweyne K/xigeenka Somaliland oo La Kulmay Hayadaha UNMAS & UNOPSMA
Hargaysa (MMedia) Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta Xafiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Hay’addaha UNMAS & UNOPSMA oo ka tirsan Haya’addaha Qaramada Midoobay ee Somaliland ka caawiya Dhinaca Miinada, Hay’adan oo Dalka ka bilowday Hawlgalka Arrimaha Miinada Sannadkii 1999, ayaa ujeedada socdaalkoodu ahaa inay soo kormeeraan mashaaricdii ay maal-geliyeen oo ay ka mid tahay hay’adda SMAC ee hawl-galka ku samaysay hay’addaha ka shaqeeya miinada & Police (EOD).
Madaxweyne ku xigeenku waxa uu xubnaha Weftiga uga mahad-celiyey booqashada ay dalka ku yimaadeen. waxaanu ka codsaday sidii ay u sii wadi lahaayeen taageerada la xidhiidha Arrimaha Miinooyinka isaga oo Madaxweyne ku xigeenku ku adkeeyey khatarta ay leedahay Miinadu iyo baahida ay dadku u qabaan in laga sifeeyo gebi ahaanba dalka.

Waxa madaxweyne ku xigeenka shirka ku wehelinaayey Dr. Axmed Cali Maax oo ah gudoomiyaha hay’adda SMAC & Cismaan siciid Jaamac ooah la taliyaha madaxweyne ku xigeenka JSL.
Dhinaca Weftiga:
1. Amy white – UNMAS NY
2. AKIKO KOBAYAKAWA – UNOPS MINE ACTION NY
3. TAMMY ORR – UNMAS FINANCE OFFICER NAIROBI
4. SABINE KANIA – UNMAS MINE FINANCE OFFICER NAIROBI
5. MARK BELFORD -
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
Maakhir Media Muqdisho
