|

Mark Bowden:Mashaaric ayaan ka hirgelinaynaa

Bosaso-MMedia-

Xirririyaha Bin’aadanimada Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyey socdaal mudo dhowr maalmood ah wefdi kasocda Midowga Yurub,Deeq bixiyeyaasha iyo Qaramada Midoobay ku yimaadeen magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Mr.Mark Bowden oo wareysi gaar ah kusiiyey Dekadda magaalada Bosaaso Shabakadda Bosaso Press ayaa sheegay in masuuliyinta Puntland kala hadleen baahiyada ay qabaan oo ay u baahan yihin in wax laga qabto si ay u higsadaan himilooyinkooda.

”Masuuliyinta Puntland waxay nagala hadleen sidii aan gacan uga siin lahayn arimaha ay u baahan yihin oo hadii ay isku jiraan kuwa qabyo ah iyo bilow ah,runtiina anaguna waxaan u ballanqaadnay in aan wax kala qaban doono si ay u gaaraan hadafka ay ka lahaayeen”,ayuu sheegay.

Mr.Bowden ayaa mar aan wax ka weydiiyey lugtii u dambeysay socdaalkooda magaalada Bosaaso ayaa sheegay in ay la kulmeen maamulka degmada Bosaaso oo ugu soo horeeyo Duqa iyo masuuliyinta kale ee Puntland,wuxuuna tilmaamay in ay kawada hadleen arimo dhowr ah oo ay kamid tahay hirgelinta mashaariic horumarineed.

”Waxaan kormeer ku bixinay qaybaha ay ka kooban tahay Bosaaso sida garoonka diyaaradaha iyo Dekadda oo aan indhaheena kusoo aragney,runtiina waxaan la kulanay Duqa Bosaaso oo naga codsaday in mashaaric horumarineed laga fuliyo magaalada taasna anaguna waan rajeynaynaa mustaqbalka dhow”,ayuu mar kale yiri.

Mashaariicda horumarineed ay Qaramada Midoobay,Midowga Yurub iyo wadamada deeq bixiyeyaasha ka fulinayaan magaalada Bosaaso ayay weli si rasmi ah u shaacinin walow Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xirrirka Caalamiga Puntland hore u sheegay in ay kawada hadleen arimo dhowr ah ay kamid tahay sameynta wadooyinka,dhameystirka garoomada diyaaradaha iyo biyo nadiif ah oo la helo.

Hay’adaha Caalamiga iyo kuwa deeq bixiyeyaasha ayaa hore shuruud ugu xirey hirgelinta mashaariicda magaalada Bosaaso in la sameeyo gole degaan maadama uu hore u jirey maamul kumeelgaar ah oo xilka hayey mudo hal sano,waxaana dhowaan ay ahayd markii la sameeyey maamul iyo gole degaan cusub.

Ayuub C/raxmaan

Bosaso Press

Maakhir Media Network

Comments are closed