|

Xildhibaano ka tirsan DKMG ee somaliya oo Gaadhay Garowe

Garowe-MMedia-waxaa maanta magaalada Garowe gaadhay wafti balaadhan oo ah xildhibaanada Baarlamanka Somaaliya kuwaasi  kasoo kici timay magalaada Muqdisho ee caaasimada Somaaliya.

Wefdigan Xildhibaanada ah ee maanta magaalada Garoowe soo gaaray oo ay tiradoodu 10-Xildhibaan ahayd ayaa waxaa ku jira qaar degaanada Puntland aad looga yaqanaayo .

Waxyar kadib markii ay Xildhibaanadaasi soo gaareen ayaa waxaa Saxaafada la hadlay Xildhibaan Xasan Abshir Faarax kaas oo sheegay in ujeedada ay Puntland u yimaadeen ay tahay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen Nabadeynta laga wado magaalada Gaalkacayo.

wafdigan waxaana xildhibaanadaasi kamid ah.Xasan Abshir Faarax,Cabdirashiid Maxamed Cabdi,Cali Ismaaciil Cabedi Giir
,Ugaas Barre Ugaas Geedi,Xiddo Faarax Cabdi,Xaaji Cabdi Maxamed Cali,Cabdiwaaxid Cabdulaahi Jaamac,Maxamed Cabdi Yuusuf,Cabdilaahi Abuukar Jaamac,Cabdulle Jaamac Jibriil

wafdigan ayaa la kulmi doona madaxwaynaha puntland iyagoo kawada hadli doonaa xaalada dalka iyo tan Gaalkacayo oo ay  meesha u yimaadeen iyado la filayo inay u gudbaan gaalkacayo.

Maakhir Media Garowe

Comments are closed