Madaxwaynaha Puntland oo Dhagax dhigay Qasri Cusub oo lo dhisayo madaxtooyada Garowe
WAR SAXAAFADEED
18 September 2011
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Madaxtooyadda Puntland.
Madaxweyne Farole oo ay weheliyeen xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland iyo Duqa Magaalada Garowe ayaa dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Madaxtooyadda Puntland.


Madaxtooyadda Puntland oo hada lagu shaqeeyo ayaa ah xafiiskii hore ee Gudoomiyaha Gobolka Nugaal oo la dhisay xilligii Madaxweynihii hore ee Somalia Marxuum Gen. Maxamad Siyaad Barre.
Dowladda Puntland ayaa waxay hada dhisaysaa dhismaha cusub ee Baarlamaanka Puntland iyo Guriga Martida ee magaalada Qardho.
—
Communications Office
The Puntland Presidency
