Finland oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay muwaadiniin Soomaali ah
Filand-(MMedia)-Warbixin kasoo baxday Waaxda dambi baarista dowladda Finland ayaa waxa lagu sheegay in labo wiil oo Soomaali ah ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada booliska dalkaasi kuwaasi oo looga shaki qabo inay taageero dhaqaalo siinayeen Xarakada Al Shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya.
Waaxda ayaa waxa ay sidoo kale sheegtay in dhalinyaradaasi looga shaki qabo sidoo kale in Muwaadiniin u dhashay wadankaasi ay ka dhaadhicinayaan sidii ay usoo aadi lahaayeen dalka Soomaaliya si ay uga bar bar dagaalamaan Xarakada Al Shabaab
Afhayeen u hadlay Waaxda dambi baarista ee dowladda Finland ayaa waxa uu sheegay in dhalinyaradaasi Soomaalida ah ay iminka su’aalo weydiinayaan ciidamada booliska, waxaana uu intaasi ku daray in jiraan dhalinyaro badan oo ku sugan dalkaasi oo xiriir la leh Xarakada Al Shabaab.
Somaalida ayaa intabadan lagu qabtaa wadamada ay u tagaan qaxootiga iyadoo lagu soo edeeyo in ay kamid yihiin ururka somaliya ka dagaalama ee alshabaab taasina ay keento in somali badan oo halkaasi joogta ay ka cabsi qabaan in la qabto oo ay sabab u noqdaan dadkaasi falalka argaxiso lagu soo eedeeyey.
Maakhir Media Filand
