Xildhibaanada Ka Tirsan Baarlamanka Muqdisho oo Geertay
Muqdisho-(MMedia)-Alla ha u naxariistee Marwo Ikraan Odawaa oo Baarlamaanka kasoo gashay gobolada waqooyi ee Soomaaliya ayaa mudooyinkii u danbeeyey ku xanuunsanayd gudaha magaalada Muqdisho , iyadoo xaaladeeduna ay ahayd mid aad u daran islamarkaana aan wax lagaga qaban karin gudaha dalk
Ikraan Odawaa Raage oo ka mid aheyd Xildhibaanadii barlamanka KMG ee shirkii ka dhacay Magaalada Jabuuti kusoo biirtay barlamanka Soomaaliya ayaa galabta waxa ay ku geeriyootay gudaha Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada ayaa la sheegay inay u geeriyootay xanuun mudooyinkii dambe kasoo wajahay dhinaca kilyaha, iyadoo la tilmaamay in muddo 7-aad ah ay ka xanuunsanaysay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.
Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Ikraan Odawaa Raage oo kamid ahayd Marwooyinka ku jira Baarlmaanka Soomaaliya kana soo gashay gobolada waqooyi ( Somaliland ) sanadkii 2009-ka ayaa shalay gelinkii danbe lagu aasay magaalada Muqdisho halkaas oo ay ku geeriyootey.
