Puntland Oo Baahisey Cajilad Ay Sheegeen In Ay Ka Tarjumeyso Hawlgalada al-Shabaab Ee Magaalada Gaalkacyo
Dawladda Soomaaliyeed ee Puntland ayaa maanta saxaafadda u qaybisey muuqaal ka tarjumaya hawlagalada al-Shabab ee magaalada Gaalkacyo, waxaana cajilkan ka heleen Maamulka ahlu-Sunnah Waljamaacah oo la sheegay in Puntland ay la leeyihiin iskaashi dhanka amniga ah, Cajilka ayaa ku bilaamanaya qoraal sheeko ah oo ku saabsan hawlgalka, waxaana filimka ka muuqan doona Ayub Adan Cali oo 20 jir ah isla markaana ka tirsan Xarakada al-Shabaab waxa uu sheegayaa in uu ku dhashey degmada Buurhakaba, uuna Yahay Eelay uuna ka shaqeyn jirey Studio al-Shabaab hoostaga oo ku yaala Gaalkacyo kaas oo la yiraahdo Bukhaari Studio.
