Gudiga Abaal Marinta Fanka ee Somali Entertainment Awards oo balan qaadey in ay hadiyado siinayaan 120ka qof ee ugu horeeya Habeenka Somali Night Live ee Oct/01/2011…..
Minneapolis- (MMedia)- Waxaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota lagu qabanayaa xaflad balaadhan taasoo ah xaflad suugaaneed oo lagu soo bandhigayo fanka Soomaaliyeed nooc walba uu ka koobanyahay, sida heesaha, mijaajilooyinka, gabayada, cayaaraha iyadoo ay dadku intiisa badan leeyihiin waa habeenka dhalinyarada fanka ee Minnesota.
Habeenkaasi ayaa waxaa kasoo qeyb galaya hal abuuro ka badan 19, fanaaniinta gobolka intooda badan, inta ku jirta bahda jilida oo aan u kala hadhin, iyo waliba farshaxanka woqooyiga Mareykanka oo halkaasi ku kulmi doona, kuwa Afka Soomaaliga wax ku abuura iyo kuwa Engirisiiga ahba.
Xafladan ayaa waxaa soo abaabuley Somali Public Radio iyo One Girl at a Time isla markaasina ugu talagalay in ay ummada Soomaaliyeed usoo bandhigaan isla markaana xusuusiyaan suugaanta iyo fanka Soomaaliyeed, iyadoo lacagaha lagu soo galo goobtaasi qaarna abaaraha loogu deeqi doona, qaarna Organizationka One Girl At A Time oo ah organization u caawiya gabdhaha yaryar ee caawinaada u baahan.
Habeenkan ayaa wuxuu noqonayaa habeenkii ugu horeeya oo kulmiya bahda Garasha-Dhuuxa Soomaaliyeed oo isugu jira, Abwaano, Jilaayo, Fanaaniin, DJ, Qoraayo, Cayaar dhaqameed, Cayaaraha casriga ah, iyo IWM.
Waxaa habeenkan isugu imanaya fanaanadii hobolada Waabeeri loogu jeclaa, iyo fanaaniinta aadka u da’yar kuwa loogu jecelyahay fanka oo halkaasi ku kulmi doona. Majaajilooyinka oo ay isugu iman doonaan kuwa sida weyn uga qosliya Soomaalida.
Hadaba arintan oo ay aad usoo dhaweeyeen Gudiga Abaalmarinta Fanka Soomaaliyeed ee Woqooyiga Mareykanka ayaa waxay balan qaadeen in ay bixin doonaan hadiyado isla markaasina ay ugu deeqi doonaan hadiyadahaasi 120 qof ee irida ugu soo horeysa oo habeenkaasi kasoo qeyb gasha xaflada la magacbaxdey Somali Night Live.
Ha moogaanina, ha-seegina hadiyadaha, waa habeenkii la sugayee, haka maqnaanina.
Salax Donyale (SPR).
Maakhir Media Network
