Madaxwaynaha Puntland oo la filayo in uu kulan la yeesho Ganacsatada puntland
Garowe-(MMedia)-Waxaa waxa la filayaa in Kulan ay yeeshay Ganacsatada deegaanada Puntland iyo madaxwayanaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ,kulan looga hadlayo wax ka qabshada dhibaatooyin soo wajahay ganacsigooda ay la yeeshaan
Kulan oo ah mid waxyaabo badan la iskula soo qaadi doono ayaa waxa arimaha diirada lagu saari doono waxaa kamid ah, Sidii wax looga qaban lahaa burcad badeed dhibaatada ku haya gaadiid badeedka ganacsi ee ka amba baxa boasao, Sidii qalab dab demis ah loogu samayn lahaa dakedda Boosaaso iyo arimo kale.
Ganacsatadan oo ay ku jiraan kuwo dhowaan Doonyo ganacsi ay kaga gubteen Boosaaso , iyo kuwo ay kooxo burcad badeed ahi afduubteen doonyo ganacsi oo iyaga u rarnaa , waxaana qaar kamid ah oo aanu la xiriirnay kuwaas oo ka gaabsaday in magacyadooda Saxaafada laga baahiyo ay noosheegeen in ujeedada ay Garoowe u tageen ay tahay sidii ay Madaxweynaha iyo Mas’uuliyiinta kale ee dowlada ay ugala xaajoon lahaayeen wax ka qabashada dhibaatooyinka ay ka cabanaan.
waxaa waayadan badan soo if baxayay cabashooyin badan oo ka imaanaya dhanka ganacsatada Puntland kuwaasi oo ay ku sheegaayaan sidii ay sheegi lahaayen madaxwayanaha doonyahaha ku gubanaya Dekeda Bosaso iyagoo badeecadii sida qaarna ayba sidan xoolihii ,iyadoo ay taasi sabab u tahay Dekeda oo aan lahayn adeeg yadii loogu tala galay ee dab damis.
dhanka kale waxay sidoo kale ka hadleen Arimaha burcada oo ay sheegen inay burcadu hada isticmaasho maraakibta iyo doonyaha u raran waxayna sidoo kale sheegeen ina ayba iyaga u kaxaystaan sidii ay ugu soo qabsan lahaayeen maraakibta gooshaysa Xeebaha Somaaliya.
Maakhir Media Garowe
