|

Golaha Dhalinyarada ee calmadow oo dooratay Maamulki ugu horeeyay ee ay yeeshaan Hargaysa

Hargaysa-(MMedia)-Waxaa waayadan danbe ay yeelaneyen dhalin yarada ka soo jeeeda Gobolka Sanaag Kulamo kala duwan kuwaasi kaga hadlayay aaye ka taliska dhalin yarada Gobolka iyo sidii ay isugu soo xidhi lahaayeen dhalin yarada oo ay meesha u imaan lahay is dhex galka bulshada.

Waxay dhalin yadaradu ay sheegeen in markii ay arkeen sida ay ukala daadsan yihiin ay go’aansadeen in ay isku keenaan dhalin yarada kala duwan ee kunool magaada hargaysa iyo gabi ahaanba Somaliland waxaa kaloo ay sameyeen in ay yeeshaan kulamo kala duwan oo gaadhaya ilaa 11 shir .

Kadiba shirar badan oo ay qaateen waxay kusamayeen in layska soo dhex doorto Gudoomiye iyo kuxigeenkisa iyo Xoghaya guud ee Golaha iyo Xoghayaha Maaliyada Golaha dhalin yarada ee Calmadow kadibna waxa la magacaabay gudi kuwaasii oo ka kooban sadex xubnood oo ah gudiga doorashada .

Intaasi kadiba waxaa dhacday in ay shiraan gudigii iyagoo soo sheegay xiliga ay dhacayso doorashadu waxaana ay ku dhawaaqen inay malinta jimca ah habeenkeda laysugu yimaado shir ay kasoo qayb galaan madaxda Somaliland ee kasoo jeeda Gobolka Sanaag ,iyadoo ay saasi tahay ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa shir waynihii ugu horeyay ee ay cid kastaa kasoo qayb gashaa uu ka dhacay Hotel City Center Ee magaalada Hargaysa .

Waxaaa shirka kasoo qayb galay Wasiirka wasaarada Gaashandhiga Axmed Xaji Cadami iyo Xildhibaanad Baar Siciid Farax iyo ismo cuqaal waxkarad iyo dhamaan dhalin yarada kasoo jeeda Gobolka sanaag halkaasi oo ay si wayn uga muuqatay farxad iyo kalgacal laga dheehan karo wajiyada dadkii kasoo qayb galay iyadoo ay u rajawaynaayeen sida habsamida leh ay u dhici doonto doorashada.

Waxaa la guda galay doorashadii oo ay gudigu ku dhawaaqeen digniino ay u jeedinayaan dadka wax dooranaya iyadoo sheegeen in ay ka mamnuuc tahay inta ay socoto doorashada waaxaa kaloo intaasi dheer in aan laga ogolayn in doorasho kale laga gasmeeya iyo qodobo kale oo ku wajahan doorashada .

Waxaa ugu horayn la doortay xoog hayaha Maaliyada iyadoo ay doorashadu ahay in qofka la siinayo waraaq banaan ooo aan waxba ku qornay kadibana waxaa lagu amray in uu doorto inta golaha ku jirta kii uu isleeyaha wa qaban karaa jagada kadibana dadkii goobta kasoo qayb galay oo u badnaa dhalin yaro aya doortay xooghayihii maaliyada ee golaha dhalin yarada calmadow kaasi oo lagu magacaabo Xasan C/ Farax.

sidoo kale waxaa isna sidaa si leeg loo doortay xoog hayihii dhamaa ee Golaha kaasi oo lagu magacaabo maxamed Daahir warda ,kadib waxaa loo gudbay dhankii godoomiyha iyo ku xigenkiisa iyadoo lagu horeyay gudoomiye kuxigenka Golaha waxaan la dooray Sidiiq ibraahim xasan oo isagu ka maqnaa madasha doorashada ahana ninka ugu codka badan intii aydoorashadu socotay waxaan ayku doorteen himada iyo fir fircoonida uu uleeyahay shaqada loo doortay.

waxaana gaba gabadii doorashada la doortay oo uguba danabayeya gudoomiyha Golaha Dhalinyarada calmado kaasi oo ay u codeeyeen iyadoo ay yaraayeenba dhalin yaradii la tartamaysa gudoomiyaha la doortay ee maxamud c/laahi cabdi Oo loo yaqaano Gaagaab kadiban uu saasi ku noqday gudoomiyah Golaha Dhalin yarada Calmadow.

kadiba waxa la guda galay in ay khudbadihii kasoo jeediyaan masuliyintii iyo cuqaashi kadibana waxaaa ay dhamaan sid aada ugu farxeen sida ay hawsha u wadaa iyagoo ku booriyay kuna tageeray in ay wax la qaban doonaan sida uu sheegan wasiirka gaashaandhiga cadami iyo xildhibaanad Baar iyo dhamaan isimadii halkaasi joogtay .

Golahan ayaa la asaasay sadex bilood ka hor waxaan uu yahay shirwaynihi ugu horeyay ee ay ku doortaan maamul cusub iyo sidoo kale ay kasoo qayb galaan masuuliyiin badan iyo cuqaal waxgarad salaadin iyo dhamaan dhalin yarada .

Golahan ayaa waxaa loo aasasay is dhex galka bulshada iyo xidhidhinta dhalin yarada iyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka gobolka sanaag iyadoo ay sidoo kale loo asaasay dadka gobolka oo aan meela ku tirsanayn sida dhalin yarada oo kala daadsan meel kastoo ay joogaan waxa kaloo ay bala n qaadeen dhalin yaradu inay Gobolka sanaag dhlinyaradooda ay meel kasoo saari doonaan.

Maakhir Media Hargaysa.

Webmaster@maakhir.net

Comments are closed