|

Ciidamada Dawlada oo miinoyin soo saaray kadib hawl gal ay sameeyeen

Muqdisho-(MMedia)-Ciidamada Booliska iyo kuwa loo taba baray in ay soo saaraan Miinnoynka ayaa maanta ku guulleystay in ay Miinnooyin ka soo saaraan Miinnooyin badan kaddib howlgallo ay k sameeyeen degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag.

Taliye ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in ay sii socon doonaan howlgalladaasi waxa uuna shacabka Soomaaliyeed uga digay in ay ka fogaadaan meellah ay ciidamada ammaanka calaameyeen si aysan dhibaato u soo gaarin dadka shacabka ah.

Dhinca kale Kaddib markii ay shacabka degmooyinka Wardhiigleey iyo Yaaqshiid ay ku soo wargaliyeen taliska ciidamada qaynta baratamaha Booliska gobolka Banaadir in ay Miinnooyin ay  ka dhex haleen goob ay ka wadeen howllo Nadaafaddeed ayaa waxaa halkaasi soo gaaray ciidamada ammaanka si ay ugu badbaadiyaan dadka shacabka ah in ay dhibaato ka soo gaarto.

Taliyaha ku xigeenka ciidamada Booliska gobolka Banaadir Cali Maxamed Cali oo la hadalay warbaahinta qaranaka ayaa sheegay in maanta ay guri guri baaritaan uga sameeyeen xaafaddo ka tirsan degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag islamarkaana ay ka haleen Miinnooyin aad u badan oo ay halkaasi uga tageen kooxda laga adkaaday ee Shabaab.

Taliye ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in ay sii socon doonaan howlgalladaasi waxa uuna shacabka Soomaaliyeed uga digay in ay ka fogaadaan meellah ay ciidamada ammaanka calaameyeen si aysan dhibaato u soo gaarin dadka shacabka ah.

Waxaana goobta laga helay Miinnooyinka ka hadlay taliyaha qaybta baratamaha Booliska gobolka Banaadir Garaad Nuur Cabdulle waxa uuna sheegay in halkan lagu hayo laba Miinno nuuca dhulka lagu aaso ah kuwaasi oo la sheegay in ay si dhuummaaleysi ah ku soo dhigeen maleshiyaadka kooxda Shabaab oo aan awood u lahayn in ay fal toos ah u geeystaan kaddib markii magaalada Muqdisho laga saaray.

Taliyaha qaybta ayaa tilmaamay in ciidamada ammaanka ay ku howllan yihiin sidii ay shacabka ugu badabaadin lahaayeen dhibaatooyinka ay la damacsan yihiin kooxaha qas wadayaasha ah,  isagoo intaa raaciyay in ay ka hortagi doonaan arrimahaasi waxa uuna shacabka ka codsaday in ay la shaqeeyaan ciidamada amniga.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadashay guddoomiyaha degamada Wardhiigleey Deeqo Axmed waxa ayna sheegtay in Miinooyinkaasi loogu talla galay in lagu dhibaateeyo masuuliyiinta degmooyinka iyo shacabka Soomaaliyeed, waxa ay intaa ku dartay in arrintaasi ay ka danbeeyaan kooxo ay wada garanayaan shacabka Soomaaliyeed.

Dhan kale guddoomiyaha degmada Yaaqshii Muxudiin Xasan Jurus ayaa ugu mahad celiyay saraakiisha ciidamada dowaldda sida wanaagsan ee ay isugu xil qaameen badbaadinta ummada Soomaaliyeed, isagoo ku ammaanay shaqadooda ay ugu faa’ideeyeen dadka iyo dalka.

Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed