|

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay xubno Congresska Mareykanka ka mid ah

New York(MMedia)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta soo gaaray magaalo madaxda dalka Mareykanka ee Washington DC ka dib markii uu 14kii September warbixin siiyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo fadhigoodu yahay New York.


Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta la kulmay mas’uuliyiiin ay ka mid yihiin Congressman Donald Payne, Congressman Chris Smith oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibedda ee Africa, iyo Congressman Keith Ellison oo laga soo doortay magaalada Minnesota oo ay Somalidu ku badanyihii

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kala hadlay mas’uuliyiintan sidii loo sii xoojin lahaa horumarka dowladda Soomaaliya ay ka sameysey arrimaha amniga, gar-gaarka bani’aadanimo, iyo arrimaha dib-u-heshiisiinta iyo siyaasadda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka siiyey mas’uuliyiintii uu la kulmay xaaladda dhabta ah ee dalka isla markaana ka codsaday in Dowladda Soomaaliya ay u baahantahay in laga saacido sidii loo sii xoojin lahaa horumarka amniga iyo siyaasadda. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in xaaladda macluusha ee shcabka soomaaliyeed ay gaartay tii ugu xumeyd muddo 60 sano ah loona baahanyahay in dadaalada gar-gaarka bani’aadanimo la sii kordhiyo oo dowladda soomaaliya lagu saacido fulinta mashaariic saacidi kara in shacabka soomaaliyeed ay ku noqdaan guryahooda oo loo helo nolol maalmeedkooda, si looga gudbo xaaladda macluusha. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Al-Shabaab ay keeneen in macluusha ay gaarto heerkii ugu xumaa, loona baahanyahay si alaale iyo sidii shacabka soomaaliyeed raashinka mucaawanada loogu geyn lahaa guryahooda si loo yareeyo barakaca baahsan ee dalka ka jira.

Dhammaan mas’uuliyiintii waxey ku ammaaneen Ra’iisul Wasaaraha horumarka baaxadda leh ee ay dowladdu sameysey, waxeyna sheegeen inay ka shaqeyn doonaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka, isla markaana Dowladda Soomaaliya looga saacidi lahaa dhanka amniga, gar-gaarka bani’aadanimo iyo sidii shacabka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa nabad waarta.

Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu 16 September la kulmi doono mas’uuliyiinta dowladda Mareykanka oo uu kala hadli doono sii xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimaha amniga iyo gar-gaarka bani’aadanimo. Ra’iisul Wasaaraha waxaa kaloo lagu wadaa inuu la kulmi doono jaaliyadda Soomaaliyeed ee degan Mareykanka oo uu kala qeybgali doono xaflad soo dhoweyn ah oo ay jaaliyadda ugu talogashay Ra’iisul Wasaaraha.

Source: Xafiiska Raysalwasaaraha/Horseed

Maakhir Media New York

Comments are closed