|

Askari ka tirsan DKMG ee Somaaliya oo Rasaas ku furay Gaadhi Shacab Saranyahay Khasaarena Ka dhashay

Afgooye-(MMedia)-inta la ogyahay 2-ruux ayaa geeriyootay halka 2 kalana ay dhaawacmeen kadib markii askari ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo ku sugan Isgoyska Ex-Control Afgooye uu rasaas ku furay gaari noociisu yahay Hoomeey kaasi oo si xowli ah u marayay halkaasi.

Gaariga oo ka anbabaxay magaalada Muqdisho ayaa waxaa saarnaa ganacsato iibisa qaadka kuwaasi oo kusii jeeday deegaanada loo barakacay ee duleedka magaalada Muqdisho Goob jooge ka agdhawaa goobta shilka uu ka dhacay ayaa sheegay in gaadhigu uu marayay goobta askarigu joogay kaidban uu gaadhigu xoog u socday.

Saraakiisha dowladda ee ku sugan Ex-Contro Afgooye ayaa waxa ay xabsiga u taxaabeen askarigii rasaasta qasaaraha geysatay ku furay gaariga ay saarnaayeen dadka shacabka ah, waxaana sida ay sheegayaan dadka deegaanka ka hor inta aan rasaasta lagu furin gaariga uu gudbay bar-Control oo ciidamada ay ku leeyihiin halkaasi taasi oo keentay in askariga uu rasaas ku furo gaarigaasi.

Laamaha Dawalda ee Af gooye ayaan wali wax war ah kasoo bxin iyadooa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan arinkaasi,marar badan waxaa dhacda in ay askartu dadka shacabka ay ku furaan Rasaas halkaasi oo ay khasaaro kasoo gaadho dadkaasi iyadoo ay dhintaan qaar halka kuwa kalena ay dhawacmaan.

Maakhir Media Afgooye.

Comments are closed