|

M/Shiikh Sharif oo baaq u jeediyay cidanka “Waa inaad sugtaan Amaanka Shabcabka ,Madaxda ,iyo Amaanka Dadka”

Muqdisho-(MMedia)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ugu baaqay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya in ay ka faa’ideystaan jabka soo gaaray kooxda Al Shabaab Shacabkuna ay ugu faa’ideyaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa shegay in ciidamada dowladda ay ku soo aadeen xilli aad u wanaagsan islamarkaana ay ciidamada sii laba jibaaraan dadaalka ay ugu jiraan soo celinta nabadda guud ahaan dalka.

Waxa uu sheegay madaxweynaha in dowladda ay ku dadaashay sidii ay u qaadi lahayd masuuliyadda iyo xaquuqada ciidamada ay leeyihiin isagoo tilmaamay in ciidamada ay qaataan muushaaraadkooda hadii xaaladda adag laga baxana ay sii kordhi doonaan lacagaha ciidama ay qaataan.

Madaxweyane Shariif ayaa timaamay in haatan magaalada Muqdisho ay noqotay nabad taasina ay ku timid dadaalka ay muujiyeen ciidamada dowladda Soomaaliya, waxa uu farta ku fiiqay in ay jiraan fursaddo waa weyn oo loo baahan yahay in ciidamada in ay ugu faa’ideyaan dalka iyo dadka kaddib markii kooxda Shabaab u soo gaaray jab aad u weyn.

Baaqan ayaa ah  mid dhiiri galin ku ah ciidamada DKMG ee Somaliya iydoo ay xoojin doonaan amaanka magaalada muqdisho iyo gud ahaanba dalka Oo dhan.

Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed