|

Ayman al-Tawahiri oo laga cabsi qabo in uu usoo wareego Somaliya

New York-(MMedia)-Sirdoonka Maraykanka ayaa waxaa uu sheegay inay heleen xog ku aadan in hoggaamiyaha Al-qaacidda uu doonayo in uu gabaad ka dhigto Soomaaliya.

Sida lagu sheegay Tv-ga ABC-da ee laga leeyahay dalka Maraykanka oo soo xiganaya Sirdoonka Pakistan ayaa waxa uu sheegay in Hoggaamiyaha Al qaacidda Sheekh Ayman al-Zawahiri laga yaabo in uu kasoo wareego wadanka Pakistan islamarkaana uu usoo wareego Soomaaliya.

Warkaani ayaa waxa uu intaasi ku daraya in in Hoggaamiyaha Al qaacida sababta uu ugu wareegayo Soomaaliya ay tahay baqdin uu ka qabo in lagu dilo gudaha dalkaasi si la mid ah sidii Hogaamiyihii hore ee geeriyooday Sheekh Usaama Binladin kaasi oo Mareykanka uu ku dilay wadanka Pakistan

Dowladda Maraykanka ayaa waxa ay sidoo kale sheegtay in ruuxii soo qabtaa Ayman al-Zawahiri cidii soo qabata lasiin doono lacag dhan $25-Milyan oo dollar-ka Maraykanka, waxaana dowladda Maraykanka ay sheegtay in Al-qaacidda ay soo wajahday xaalad aad u adag kadib markii la dilay hoggaamiyihii Ururkaasi ee Usama Binladin.

David Batirous oo ah Madaxa Sirdoonka Dalka Maraykanka ayaa waxaa uu sheegay in Hoggaamiyaha Al-qaacidda ay ku adagtahay in uu si xoryad ah ugu fadhiyo jagada uu ka dhintay Madaxii Ururkaasi, waxaana Warbixin ay soo saartay banti koonka Maraykanka lagu sheegay in sanado gudahoodu ay dileen kala bar Xubnihii Ururka Al-qaacidda.

Dowladda Maraykanka ayaa waxa duqeyn dhinaca cirka ah ku dishay Hoggaamiyihii Ururka Al-qaacidda Sheekh Usaama Binlaadin, waxaana arintaasi ay baqdin xooggan galisay hoggaamiye yaal farabadan oo ka tirsan Ururkaasi.
Maakhir Media New York

Comments are closed