|

Gacan ku dhiglihi dilay Garsoorahii shalay oo isla maanta la xukumay

Bosaso-(MMedia)-Waxaa maanta Maxkamada darajadda Koowaad ee gobolka bari a la hor keenay gacan ku dhigle maalintii shalay dil ka geystay bartamaha magalada boosaso kaasi oo u gaystay Qareen kamida maxakada Rafcanka Bosaso.

Ninka maxkamada maanta la keenay oo lagu magacaabo Jaamac C/llahi ayaa waxaa uu qirtay in uu dilay garsoore ka C/naasir Xaaji Aadan oo shalay lagu toogtay Albaabka hore ee maxkamada Boosaso.

sida uu saxaafada U sheegay Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland Maxmuud Xasan oo sheegay in ninkani qirtay in uu dilkaasi geystay Cadeyna loo helay, Maxkamadana ay ku xukuntay Dil toogasho ah.

Ninkan dilka gaystay ee maanta  maxkamada xukuntay ayaa Maalintii shalay waxaa uu dilay Mid ka mid ah garsoorayaasha Gobolka Bari oo lagu magacaabi Jiray marxuum C/naasir Xaaji Aadankaasi oo ku dilay afka hore ee maxkada darajada koowaad ee Gobolka Bari.

Inta badan waxaa magaalada Bosaso ka dhaca dilal loo gaysto dadka Masuuliyiinta ah iyo shacabka iyo dadka Biri magaydada ah kuwaasi oo ay dil fool xun ugu gaystaan baratamaha magaalada .kuwaasi oo aan la qaban markii ay dilka geystaan,lakin mar marka qaar mid iyo laba ay ciidan ku qabtaan ama shacabka.

Maakhir Media Bosaaso.

Comments are closed