|

Guddiga dhex dhexaadinta gaalkacyo ayaa ku guulaystay qaadidda Isbaarooyin hor leh +Dhagayso

Play

Gaalkacayo-(MMedia)-Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah xubnaha guddiga dhex dhexaadinta Gaalkacyo oo ka koobnaa Isimo iyo Cuqaal islamarkaana ay goob joog ahaayeen Hormuudka dhaqanka ee Beesha Leelkase ayaa ku sheegeen in ay ku guulsyteen qaadida isbarooyin dhawr ah oo yaalay Wadooyinka gudaha xaafadda Garsoor kuwaas oo ku samaysmay dagaaladii magaalada ka dhacay.

Garaad Maxamuud Cilmi Shirwac oo ka mid ah Ergada dhex dhexaadinta oo u hadlay guddiga hawshan ku guulaystay ayaa sheegay in dadaal farabadan ay Waxgaradku ku bixiyeen soo celinta Nabadgalyada Magaalada islamarkaana ay maanta soo bandhigayaan mid ka mid ah guulaha nabdeed ee gaalkacyo u soo hoyday

Libaan Cajib Xaaji

Maakhir Media Gaalkacayo.

Comments are closed