Ma tashanaa reer maakhirow(Baaq Reer Maakhir Kuwait)
Baaq(MMedia) Baaq ku socda Jaaliyadaha Maakhir ee Dibadaha ku nool
As salaama caleykum
Salaanta qaaliga ah eek or ku xusan ka diba mahad ilaah baa iska leh, nabad gelyo iyo naxariisna waxay ahaatay negigeenna suubban korkiisa(CSW).
Intaa ka dib anagoo ah Jaaliyadda Maakhir ee Kuwait waxa aannu baaq u diraynaa dhamaan wax garadka Reer Maakhir Jaaliyadaha Dibadda in ay nagala soo qayb galaan barnaamij aannu ugu talo galnay sidii looga hor tegi lahaa masiir darrada ku soo socota degaanka maakhir oo u baahan in la badbaadiyo, si arrintaasi u hir gasho waxaa loo baahan yahay in la yeesho xidhiidh degdeg ah oo lagaga wad tashado mustaqbalka beesha ku dhaqan degaanka Maakhir, in badan ayaa la dhawrayey bal in cidi u istaagto oo qabato majaraha siyaasadeed ee degaankan gablanka ah.
Waxa aannu ka codsanaynaa dhammaan cidii danaynaysa arrintaa aanu kor ku soo xusnay in ay degdeg noola soo xidhiidhaan si aan u diyaarinno barnaamij wax qabad oo midaysan, ma aha arrin cid gaar ahi wadato waa mid qof waliba ra’yigiisa leeyahay lana tix gelinayo. Waxaa ka soo qayb geli kara aqoon yahanka, culimada diinta, Ardayda, siyaasiyiinta, ganacsatada, waayeelka, wayna u furan tahay rag iyo dumarba. Waxa aanuse jecelnahay in jaaliyad waliba ay soo qorshayso dad ay soo xuleen oo hawshaa diyaar u ah.
Waxaa muhiim ah cidda nala soo xidhiidhaysaa in ay ahaato dad daacad u ah in ay hagar la’aan ugu adeegaan dhulkooda ra’yina aanay kala bakhaylin.
Waxa aannu codsanaynaa in ay baaqaan ka soo jawaabaan jaaliyadaha kala ah
1. Maakhir Community in United kingdom.
2. Maakhir Community in United States.
3. Maakhir Community in Denmark.
4. Maakhir Community in Holland
5. Maakhir Community in Kenya.
6. Maakhir Community in United Arab Emirates
7. Maakhir Community in Uganda
8. Maakhir Community in Sweden
9. Maakhir Community in Australia.
- Maakhir Community in Switzerland
- Maakhir Community in India.
- Maakhir Community in Pakistan.
- Maakhir Community in Saudi Arabia.
- Maakhir Community in Syria
- Maakhir Community in Canada
- Maakhir Community in Ethiopia.
- Maakhir Community Tanzania
- Maakhir Community in Yemen
Iyo Jaaliyadaha kale ee aanaan halkan ku xusin.
Waxaad nagala soo xidhiidhtaan
Waxaa baaqan Diraya Xubnaha Gudiga Fulinta Jaaliyadda Maakhir ee Kuwait.
“” Gacmo wada jir bay wax ku gooyaan”"
Ilaah baa Mahad leh
