Saxafiyad Xoriyo oo Galkacayo lagu dhawacay
Galkacayo-(MMedia)-Gabadh saxafiyad ah oo ka hawl gasha magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa lagu dhawacay magaaalada Gaalkacayo .
Xorriyo Cabdulqaadir oo kamid ah Wariyaasha gabdhaha ee gobolka Mudug kana howlgasha Radio Gaalkacyo ayaa la dhaawacay xilli ay kusii jeeday hoygeeda ku yaalla xadka kala qaybiya Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo,waxaana kooxo hubeysan ay la dhaceen ilaa afar xabadood.
Dhaawaceeda ayaa loola cararay Isbitaalka Dhegacadde ee Waqooyiga oo lagu dabiibaayo hadda,waxaana lasoo sheegaaya in xaaladeeda ay xooga ka wanaagsan tahay sidii hore oo dhaawaceedu u ekaa mid culus oo qatar ah.
Saxaafiyinta ka howlgasha magaalada Gaalkacyo ayaa intooda badan isku tegay goobta lagu daaweynaayo,waxaana ay ka xumaadeen falkaan lala beegsaday Saxafiyada xilli ay ka timid howsheeda.
Magaalada Gaalkacyo ayaa bartamihi sanadkii hore fal dil ah loogu geystay Weriye ka shaqeynayay Idaacada Daljir qaybteeda Gaalkacyo,waxaana falka caawa weli ka hadlin laamaha amaanka ee gobolka.
Maakhir Media Gaalkacayo
